Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Banaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.
Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay masโuuliyiinta hayโadaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qayb galay Raโiisulwasaaraha XFS, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Banaadirย iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.