Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda qorshaha isbadalka Qaran 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda qorshaha isbadalka Qaran 
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda qorshaha isbadalka Qaran 

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 16, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029 ayaa tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hannaan qaran oo sal adag leh, cabadaha ku gedaaman iyo fursadaha aan haysanno si aan uga miro dhaliyo aragtiyaha ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleyso xaqiijinta hadafyada horumarineed ee uu dalkeennu u baahan yahay ayaa diiradda saartay sameynta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku qotomo la falgelidda xaaladaha taagan, soo saaridda khayraadka dalkeenna, ka faa’iideysiga fursadaha iyo khibradda aan u leenahay in aan ku saleyno baahiyaha ay dadkeenna u qabaan hirgelinta ujeedooyin waxtar leh ee guuleysta.

“Soomaaliyada cusub ee aan rabno 2060-ka, waa ka duwan tahay tan aan maanta joogno, dhabbaha iyo qorshaha aan dejinay haddan ka run sheegno waa xaqiijin karnaa aragtideedna, waxaana sameyn karnaa in aan qaadno tallaabooyin waaweyn iyo mucjusooyin aan adduunyada hore uga dhicin haddan iska kaashanno ka shaqeysiinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, taas waxay abuureysa kalsooni iyo maalgashiyo waaweyn oo ay ku dhiiradaan ganacsatadeenna iyo kuwa caalamkaba in ay mashaariic ka hirgeliyaan dalka gudahisa, waana bilaabatay hadda howshaas, kuwa badanna inta uusan dhamman sannadka ayaa dhagax dhigi doonna”

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay isbedel dhab ah ka sameyso,xoojinta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta garsoorka iyo adeegyada bulshada oo ay ugu horreyaan tacliinta, caafimaadka iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isaga oo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la kobciyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado hal abuurka iyo wax soosaarka dalka, iyada oo ay dowladdu ku hoggaamineyso sameynta xeerarka, shuruucda iyo dhaqangelintooda, ilaalinta xasillonida iyo daahfurnaanta si loo helo deegaan nabdoon oo u sahlaya ganacsatada in ay ku soo bandhigaan maalgashigooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya halkii ay joogtay muddo dheer aysan marnaba suuragal ahayn in ay sii joogta, si cabsida looga gudbaana ay tahay in si daahfuran loo wajaho caqbadaha waaweyn, laga dabaasho xaaladaha adag, iyada oo markasta xoogga la saarayo waddada guusha, lana yareynayo guul darrada si loo xaqiijiyo hadafyada fog ee ay dadka Soomaaliyeed filayaan, loona gaaro horumar waara, isaga oo xusay in kala aragti duwanaanta dadkeenna ay tahay mid muujineyso ilbaxnimo, buseyl, qadarin iyo dhiiragelin ay Mas’uuliyiinta dowladda ay helayaan si loo hormariyo dowladnimadeenna iyo isbedelka togan, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ku adkeeyey in Xukuumadda lagu garabsiiyo meelmarinta qorsheyasha qaran ee ay ugu muhiimsan yihiin in shacabka codkooda ku soo doortan hoggaanka dalka iyo in argagixisada laga sifeeyo dalka.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka xoogga dalka oo deeq raashiin ah gaarsiiyay qoysas dan yar ah+Sawirro

Buulo-burte-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa raashiin isugu jira bur,bariis,baasto, sokor, saliid iyo timir u qeybiyay qoysas dan yar ah oo…

GudahaWararka
January 18, 2022

Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO

Muqdisho.(SONNA)..Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan…

Wararka
February 24, 2020

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda…

Wararka
November 18, 2020

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Jubbaland “ SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan  ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha Golaha Wasiirrada dowlad goboleedka…

GudahaWararka
August 26, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023