Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga
    July 11, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah
    July 11, 2025
    G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo
    July 11, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay 13 Khawaarij ah
    July 11, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 11, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO
Wararka

Soomaaliya iyo Baxreyn oo Yeelanaya Iskaashi Ganacsi +SAWIRRO

By Kulane
Last updated: February 24, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)..Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ayaa gaadhay wadanka Baxreyn, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey oo ay kulan laba geesood ah wada-qaateen dhiggiisa dalkaasi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Zayed R. Al Zayani.

Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen siddii loo abuuri lahaa Ganacsi toos ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Baxreyn isla mar ahaantaana la isku furo suuqyada Ganacsi ee labada dal oo la helo khad Maraakiibeed iyo mid Duulimaadyo toosa ah. Waxa kale oo ay carabka ku dhufteen siddii Xoolaha, Kalluunka iyo Dallaga Beeraha Soomaaliya loo keeni lahaa suuqyada Baxreyn.

Wasiiradu, waxa kale oo ay isla-garteen in la helo is-afgarad u dhaxeeya labada Wasaaraddood oo la xidhiidha Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashiga Dhaqaalaha isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah kana shaqeeya siddii loo abuuri lahaa xidhiidh Ganacsi  iyo weli ba in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo dhiggooda Baxreyn sidoo kale na la isku xidho Bangiyada Soomaaliya iyo kuwa Baxreyn si ay u fududaato hannaanka bixinta lacagaha badeecadahu maadaama ay Baxreyn tahay goobta kulmisa Baananka Bariga Dhexe.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisu,  waxay intaas ka dib booqasho ku tageen Suuqa Saamiyada lagu kala iibsado ee dalka Baxreyn oo inta badan shirkadaha ku jiraa ay yihiin kuwo ay lee dahay Xukuumaddu sidoo kale na waxay booqdeen qeybo ka mid ah Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn gaar ahaan Waaxda Diiwaan-gelinta Shirkadaha Maal-gashiga iyo Waaxda Xakameynta tayada badeecadaha iyo Agabka Ganacsi ee dalka Baxreyn. Waxa kale oo Wasiirku uu booqday shirkadda Tenmou oo ah shirkad Maal-gelin ku sameysa fikradaha Ganacsi ee cusub gaar ahaantaan dhanka Tiknoolajiyadda Isgaadhsiinta, Dalxiiska iyo Duulimaadka.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee dalka Baxreyn Mudane Zayed R. Al Zayani, ayaa qado sharaf u sameeyey dhiggiisa dalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigii uu hoggaaminaayey.

Ugu dambeyntii, weftigan uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa hore socdaal shaqo ugu soo maray wadanka Cummaan oo ay ka soo wada-hadleen siddii labada dal ay xidhiidh Ganacsi u sameyn lahaayeen, waxaana ay isku soo af-garteen in labada wadan ay yeeshaan heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya Wasaaradaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Cummaan.

    

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Ankara(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa…

July 11, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Indonesia

Muqdisho (SONNA): Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya…

GudahaWararka
February 4, 2025

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee degmada Luuq

Luuq-(SONNA)-Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shirar hor dhac u ah nabadaynta…

GudahaWararka
July 10, 2024

Wasiirka isgaarsiinta oo la kulmay sii hayaha safiirka China ee Soomaaliya

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼-(SONNA)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹l𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa kulan la qaatay ku simaha  Safiirka Safaaradda Shiinaha…

GudahaWararka
May 7, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir : Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),oo ka qeybgalayay kulan lagu taageerayey howlgallada dalka looga…

GudahaWararka
September 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023