Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 29, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho. (SONNA):- Ka dib, bayaankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee heshiiska rasmiga ah kaga gaaray arrimaha amniga, doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda dalka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore ay u gaareen xubnaha golaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hareer joogaan xubnaha kale ee golaha Wadatashiga Qaran oo shir jiraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay heshiisyada goluhu ay gaaraan iyo waxyaabihii dhaliyay.

Madaxweynaha oo hadalkiisa ka bilaabay ka hadlidda iyo ka taariikheynta halgankii iyo dadaalkii dheeraa ee loo soo galay Dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka ayaa tilmaamay in la soo gaaray bar-dhammaad ay adag tahay in lagu sii socdo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in lagama-maarmaan ay tahay in tallada shacabka lagu celiyo.

” Wuxuu dalku u baahan yahay dib-u-dhis, maalgelin iyo inuu soo kabto dhammaantii, intaas oo dhan waxaa shuruud u ah dalku inuu leeyahay Dowlad sal-ballaaran oo sharciyad ballaaran leh, dadka Soomaaliyeedna si dhab ah u matasha,matelaad duruufo ay keentay waa soo haysan jirnay, walina waa haysanaa, laakiin markan inaan ka sii ballaarino oo matelaad ku saleysan codka shacabka iyo go’aanka shacabka Dowladnimadeennu in ay ku saleysnaato,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Sidoo kale, madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dalka haddii aan xoreyno, waxa ugu horeeyo uu u baahan yahay waa nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan, inta badan dalka oo nimanka Khawaarijta ah ku habsadeen ku fadhiyeen muddada 15ka sano ah maanta inta laga kiciyay iyo inta dhiman ee laga kicin doonaba waxay u baahan yihiin Dowladnimo iyo xukun in la gaarsiiyo”,.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaargarow-baan doorashadaas qof iyo codka ah, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan furneyn waddo kale oo ah in tallada lagu celiyo shacabka.

” Waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed walaalayaal meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay cabsida aan yareyno, shakiga aan ka baxno, 30-sano ka dib, Qof Soomaaliya xoog ku haysan karto malahan, nin isaga shaatigiisa toshay oo iska joogi karo malahan sheekadaas waa soo dhammaatay, dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsiggeedu yar yahay oo degganaasho siyaasiyaadeed leh ayaa u baahan mahay, dalkan siyaasad qariban tahay ayuu 30-sano meeshan u joogaa,”.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadu, qodobada kale ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah, dadaalka Dowladdu ay waddo ee Barnaamijka Deyn cafinta oo uu tilmaamay inuu gaba-gabo marayo, ahmiyadda Barnaamijkan ayuu madaxweynihu si weyn u faah faahiyay.

” Dalka Deyn cafinta, lacag dhowr bilyan oo Dollar oo Soomaaliya muddo dheer lagu lahaa ayaa laga cafinayaa laga tirayaa, Soomaaliya waxay u yeelaneysaa fursad in ay caalamka la macaamiisho, in ay deyn kale, qaadan karto, in ay dad ajaaniib ah iyo maalgashi toos ah waxa Afka qalaad lagu yiraahdo ( Direct Foreign Investment) in ay heli karto, dadka Soomaaliyeed in ay iyagu dalkooda maalgashan karaan, dadka Ajanabiga ee saaxiibada ah in ay dalka yimaadaan maalgashan karaan, waxay u baahan tahay si dalka loo maalgeliyo Dowlad sharciyad ballaaran dadka ka haysata oo dimuqraadi ah oo codka dadka ku timid,”.

Madaxda heer federaal iyo heer Dowlad gobolleed ee ku mideysan golaha wadatashiga qaran oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay heshiis ugu gaareen arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore goluhu u gaaray.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay oo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Muqdisho(SONNA);-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Axmed Maxamuud Muxumed, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee…

GudahaWararka
November 17, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Finland ee geeska Afrika xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho, (SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda,…

GudahaWararka
April 14, 2024

Madaxweyne Qoorqoor iyo madax kale oo ka qaybgalay saxiixa mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad si weyn loo soo agaasimay…

GudahaWararka
October 7, 2024

Ciidanka ATMIS oo 16 sano ka dib ka guuraya Madaxtooyada Qaranka

MUDISHO-(SONNA)-Ciidanka ATMIS ee howlgalka kala guurka ah oo muddo 16 sano ah qeyb ka ahaa sugidda amniga Xafiisyada Madaxweynaha, Baarlamaanka…

GudahaWararka
December 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023