Maxaas-(SONNA)-Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay xilliyada dagaalka in la kala barto dadka, gaar ahaan madaxda, saraakiisha iyo askarta.
โRuntii dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka, madaxdaa la kala bartaa, saraakiishaa la kala bartaa, askartaa la kala bartaa, dhamaan dadka waa la bartaa, qof walbana doorka uu qaata maalinta ay adag tahay waa la bartaa, maalinta fiican ee ay nabaddu jirto nin kastaa waa fiican yahayโ
Madaxweynaha oo kormeer ku tagay xerada ciidanka XDS, Guutada Cali binu Abii daalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka Khawaarijta wuxuuna kula dardaarmay ciidanku in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligii ay Ciidanka xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed dagaalka soo billaabeen sanad ka hor ay yarayd saadaasha guulaha la gaaray, iyadoo ay dalka ku sugan tahay AMISOM.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaasi ay Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika aysan ku qanacsanayn dagaalka khawaarijta ka dhanka ah balse ay iminka ogaadeen in ay dhab ka tahay dowladda ciribtirka argagixisada.
โCiidanka xoogga dalka asoo keligiis ah oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaad dagaalka soo billowdeen sanad ka hor, dad badan ayaa ku qoslaayay oo lahaa meel gaari maayaan, waanay soo noqonayaanโ
Berigaas AMISOM annaga kumaanan qancin karin inaan nahay dad uu dagaalka dhab ka yahay oo waxay noo arkaayeen dad aanu dhab ka ahayn, laakiin maanta way fahmeen inuu dagaalku dhan naga yahay ama aan wax qabsan karnoโ