Kooxda MCC oo ka adkaatay Gaadiidka kulan ka tirsan Horyaalka

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONN)-Kooxda dowladda Hoose ee Xamar MCC oo galabta iska diiday in 40 sano kadib horyaalka Soomaaliya ku guulaysato kooxda Horseed oo shalay ka adkaatay dhiggeeda Dekadda.

Kulan adag oo galabta garoonka Tuulada ciyaaraha ku dhexmaray Kooxaha Mogadishu City Club iyo Gaadiidka ayaa ku soo dhammaaday 4-2 oo ay guushu ku raacday kooxda horyaalka difaacanaysa ee MCC, taas oo ka dhigtay inay isku dhibco noqdeen kooxda Horseed oo shalay ka badisay kooxda kubada cagta ee dekadda, waxaana Labada koox ee hada horyaalka ku dagaalamaya ay leeyihiin min 38 dhibcood.

Isku mid ahaanshaha dhibcaha ee labada koox ayaa ka dhigan inay dheeli doonaan kulan lagu kala saarayo, si loo xaqiijiyo kooxda ku guulaysata Horyaalka heerka 1aad ee Dalka.

La wadaag cid kale