Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sh. ayaa ku haminaya in sanad gudihiis lagu ciribtiro Al-Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sh. ayaa ku haminaya in sanad gudihiis lagu ciribtiro Al-Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Madaxweyne Xasan Sh. ayaa ku haminaya in sanad gudihiis lagu ciribtiro Al-Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 7, 2023
7 Min Read
Share

Soomaaliya ayaa heysata hal sano oo Al-Shabaab laga ciribtiri lahaa dalka, laguna soo afjari lahaa 17 sano oo dagaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dhamaadkii bishii November. Kooxda Argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii ka waday Soomaaliya weeraro, kuwaasi oo sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca Malaayiin qof, isagoo la hadlayay dad isugu soo baxay machadka Royal United Services Institute ee magaalada London, ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ay ka shaqeynayaan sidii ay dalka uga ciribtiri lahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee weli ku harsan dalka, balse dadaalkooda uu caqabad ku yahay fatahaadihii dhawaan soo rogmaday.

ATMIS oo ay ku jiraan ciidamo ka kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa lagu waday inay billaabaan wejigii labaad ee ka bixitaanka dalka bishii September, iyadoo la dhimay 3,000 oo askari. Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u dhigay wajigii labaad ee ka bixitaanka saddex bilood horraantii bishii November. “Waxay ku soo beegantay xilli aan xoogaa dib u dhac ah nagu qabtay, waxaanan ku dhibtoonaynay inaan dib u habeynno,” Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka yiri dib u dhigista. โ€œLaakiin hadda diyaar ayaan u nahay.โ€

Brig. Gen. Peter Gaetano Omola, oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee hoos yimaada ATMIS, ayaa bogaadiyay goโ€™aanka golaha ammaanka. “Xaqiiqdii, ammaanka dalkan waa inuu maalin uun ku jiraa gacanta Soomaalida, laakiin waa inaadan ku degdegin sababtoo ah waxay ku xumaan kartaa ilbiriqsigeeda,” ayuu Omola u sheegay wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa Uganda, balseย Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku adkeystay mar uu joogay Magaalada London ee Carriga Boqortooyada Ingriiska in dowladdiisu aysan codsan doonin in dib loo dhigo qorshaha bixitaanka ciidamada.

“2024-ka, iyadoo si tartiib-tartiib ah u dhimitaanku uu socdo, waxaan sidoo kale soo saari doonnaa ciidamo, waxaanan dhisi doonnaa wax badan,” Xasan Sh. Maxamuud ayaa yiri. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga dalkeenna.”, Weerarada dhawaan ka dhacay Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday Agoosto 2022-kii, iyadoo milaterigu ay ka dambeeyaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan gobollada dhexe ee dalka. Wadashaqeyntaasi waxay gaartay guulihii ugu muhiimsanaa ee dhuleed ee ka dhanka ah al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010-kii. Si kastaba ha ahaatee, weerarada Al-Shabaab ayaa kor u kacay intii lagu guda jiray Wejigii koowaad ee dhimista ciidamada, kaasoo lagu soo gabagabeeyay 2,000 oo askari oo ka baxay dhamaadkii bishii June.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Wejiga xiga ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay noqon doonaan deegaannada Koonfur Galbeed ee dalka iyo deegaanada maamulka Jubbaland oo ah goob taariikhi ah oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin. “Xaaladda dagaalka lagula jiro al-Shabaab waa mid dhiirri-gelin leh,” ayuu yiri isagoo ku sugan London. “Waxaan aaminsanahay inaan ka adkaan doono al-Shabaabโ€ฆ dhawaan.”

Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in al-Shabaab ay wadahadal la yeelan doonaan dowladda Soomaaliya, laakiin Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in taasi ay tahay doorashada uu doorbidayo. “Ugu dambayntii waxa laga yaabaa in ay ku dhamaato wada hadal, halkii ay dil iyo dhaawac u geysan laheyd oo la cayrsan lahaa,” ayuu yiri. warbixintaasi oo ay qortay Waaxda Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.

โ€œMar walba oo aan guul gaarno waxa ay ku tusinaysaa in aysan si bilaash ah ku iman ee ay ku timid darbi weyn oo Soomaali kali ah jabin weyday, balse lagu jabiyey dadaalkeenna iyo iskaashiga aan la leenahay saaxiibbada caalamkaโ€, sidaasi waxaa yiri Raโ€™iisul Wasaarah XFS mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay Munaasabadda guusha taariikhiga ee qaadista Cuna-qabataynta hubka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey cid walba oo kaalin ka qaadatay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray goโ€™aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cuna-qabataynta hubka uga qaadeen dalkeenna, taasi oo saarnayd muddo ka badan 32 sano, wuxuunaย uga mahad celiyay dhammaan dowladihii taageeray goโ€™aankan, garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo galay gaaridda guushan dhaxal galka ah, ahmiyadda goโ€™aankani u leeyahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixiso iyo qorshaha dowladda ee ilaalinta Hubka, wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay madaxdii iyo hayโ€™adaha dowladda FS ee ka qeyb qaatay gaaridda natiijadan muhiimka ah ,isaga oo xusay in dowladdu ay si dhammeystiran u qaadanayso masโ€™uuliyadda ilaalinta hubka iyo in aan loo adeegsan wax ka baxsan xoreynta dalka iyo difaaca Qaranka.

qaadista cunaqabateynta waxay Soomaaliya ka faaโ€™ideysaa 5 waxyaabood:-1- La-dagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka; 2- Difaaca Qaranka; 3- Dadaalka Nabadda & Xasilinta; 4- Dhaqangelinta sharciga & xakameynta Xuduudaha; 5- Dowlad-dhisidda & Dowladnimada.

โ€œWaa maalin Qaran oo weyn; Waxaa tirmay mid ka mid ah astaamihi ugu waaweynaa ee qaranjabki soo gaaray Soomaaliya 1991-kii; Waxaan la soo laabannay waax weyn oo ka maqneyd gobannimada Soomaaliyeed tan iyo 1992-kii marki Golaha Ammaanka Jamciyadda Quuruumaha ka Dhaxeysa uu saaray Soomaaliya cunaqabteynta hubkaโ€, sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

โ€œWuxuu ciilku daynayaa saraakiisha iyo iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo si degdeg ah u heli doona hubka iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin si ay u maquuniyaan Cadawga Argagixisada Caalamiga ah ee sii dabargoโ€™aya. Waxaan fursad u heli doonnaa in aan si dhib yar u soo iibsanno hubka noocyadiisa kala duwan, si ikhtiyaarkeenna ah, iyada oo aan cidna ku dhegganeyn gacanteennaโ€, ayuu sii raaciyay Wasiirka.

By, C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Balcad oo ka qaybgalay madal looga hadlayey arrimaha Sudan

Antalya, Tรผrkiye(SONNA):- Wasiir dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, H.E. Ali Balcad, ayaa ka qaybgalay shirka Antalya Diplomacy Forum, halkaas oo…

GudahaWararka
April 11, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho uga qaybgalay xuska maalinta midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Midowga Yurub ayaa kaga…

GudahaWararka
May 8, 2024

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka ilaalinta naafada

Muqdisho-(SONNA)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiye…

GudahaWararka
July 31, 2024

Madaxweynaha JFS oo kulan casho sharaf ah ku maamuusay madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay shirkii Wadatashiga

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay…

GudahaWararka
July 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023