Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay rajaynayso in hore loo sii wado iskaashiga dhaw ee ka dhaxeeyey dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya.
Maraykanku waa saaxiib wayn ka qayb qaata dib u kabashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ayaa lagu yiri qoraalka madaxweyne Farmaajo.
Joe Biden oo xisbiga Demoqoraadiga ka socda, madaxweyne ku xigeena ka soo noqday Maraykanka mudadii u dhaxaysay January 20, 2009 โ January 20, 2017 ayaa doorashada madaxtinimada kaga guulaystay musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo dalkaasi madaxweyne ka ahaa 4-tii sano ee ugu dambaysay.