Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Kulanka golaha Shacabka ee Maanta oo looga hadlay Ajendayaal kala duwan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Kulanka golaha Shacabka ee Maanta oo looga hadlay Ajendayaal kala duwan
Wararka

Kulanka golaha Shacabka ee Maanta oo looga hadlay Ajendayaal kala duwan

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 28, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 5-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa Maanta loogu dooday Ajendayaal kala duwan.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane; Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuddey, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha ay guddoonka usoo gudbiyeen Mooshin ama soo jeedin la rabay in kulanka maanta ee golaha loogaga  doodo kaasoo ku saabsan soo xaadirista Xildhibaanada ee kulamada golaha sidaa daraadeedna maadaamaa golaha kalfadhigan ay hor yaalaan howlo fara badan ajendahaas dib loo dhigay fadhiga kan xigana looga doodi doono .

Guddiga maaliyadda,miisaaniyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Golaha hor keenay Akhrinta labaad ee wax ka beddalka sharciga iibka Qaranka ,waxaana golaha ka hor jeediyay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Engineer Cabdullaahi  Cali Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta 1-aad ee Heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanadda Maalgashiga darafyada badan oo ay wasaaraddiisu soo diyaarisay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa su’aalo ku saabsan Heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanada Maalgashiga darafyada badan weydiiyay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo kulanka joogay.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa golaha hor geeyay warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Degmada Berdaale ee gobolka baay oo ay ku rogmadeen daadad xoog leh oo ka dhashay roobab deegaanadaasi ka da’ay qasaaraha ay geysteen,isagoo ku baaqay in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dad saaka ay dooni kula qalibantay Magaaladda baladweyne ,waxana uu sheegay in goluhu guddi u magacaabaayo dhibaatooyinka fatahaada wabiga iyo daadadkaba ka geysteen deegaanadda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyay Sharciga Istaatiskikada ama Tirakoobka Qaranka,waxaa ka dib markii cod la geliyay ka dib codka haa ku ogolaatay 137-xildhibaan sedax ayaa ka aamustay mana jirin tira diiday,waxaana sidaasi sheegay guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAR-MURTIYEED

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ)…

GudahaWararka
January 2, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal

Muqdisho-(SONNA) December 04, 2021; Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjiraha…

GudahaWararka
December 4, 2021

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Laanta Bankiga Dhexe ee Galmudug

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka…

GudahaWararka
August 10, 2023

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Magacaabay Guddiga Doorashooyinka Maamulka.

Madaxweynaha Koofur Galbeed, mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta soo saaray liiska guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed, kaas oo…

Wararka
November 5, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023