Qaahira-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa maanta si wadajir ah u qabtay shir jaraaโid oo daarnaa xiisda ka aloosan gobolka Geeska Afirka, gaar ahaan damaca gurracan ee Itoobiya.
Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa sheegay in heshiis-beenaadkii Somaliland iyo Itoobiya ay wada galeen ay Masar ka qaadatay mowqif cad, isla markaana war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ay ku diiday heshiiskaas.
Al-Sisi Madaxweyanah Masar oo ka hadlay arintaas ayaa yiri, โSidaas darteed waxa aan cadeyneynaa in Masar ay diidan tahay in la farageliyo arrimaha Soomaaliya ama meel looga dhaco madaxbanaanideeda.โ
Al-Sisi oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa sii raacsiiyey โFarriinta aan u dirayo Itoobiya si ay tas-hiilaad uga hesho walaalaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ereteriya, waa in ay u martaa waddo sharci ah, kana faaโiidaysto dekedaha dalalkaas. Laakiin in la isku dayo in dhul xoog lala wareego, cidna ma ogola.โ
Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dal Carbeed, isla markaana ay xaq u leedahay in si wadajir ah lagu difaaco sida uu dhigayo Axdiga Jaamacadda Carabta, khatar kasta oo ku soo wajahan, isaga oo si cad u sheegay in Masar aanay oggolaan doonin cid kasta oo dhibaato u geysata Soomaaliya ama wax u dhinto ammaankeeda.
โXeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,โ sida uu yiri Madaxweyne Al-Sisi.
Dhanka kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay muddadii la soo dhaafay, โWaxaan idinku hambalyeynayaa guulaha aad ka gaarteen muddadii aad dalka hoggaaminaysay, saddex arrimood oo ay ugu horreyso xurreynta dalka iyo la-dagaalanka argagixisada oo saamayn weyn ku lahaa xasillooni-darrada ka jirtay dalka muddo labaatan ilaa soddon sannadood.โ
Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa intaa ku daray in guusha labaad ay tahay in Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa, waxaana guusha seddexaad uu ku sheegay in ay tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saarneyd tan iyo 1991-kii.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in hoggaanka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, uu horseeday in Soomaaliya ay ku tillaabsato horumar, isaga oo carabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid taariikhi ah.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in qodobadii ay ka wadahadleen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ciidamada iyo amniga.