Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka
    May 17, 2026
    Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jabuuti 
    May 17, 2026
    Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden
    May 17, 2026
    Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalka
    May 17, 2026
    Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed
    May 17, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay
GudahaWararka

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: January 5, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka oo guulo waaweyn kasoo hooyey dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo doorashooyinkii goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, ee dhowaan sida guusha ah uga qabsoomay caasimadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadal-jeedin looga dhagaystay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isaga oo si weyn golaha ugu bogaadiyay kaalintii muuqatay ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee casimadda ka qabsoomay 25-tii Diseembar, 2025, taas oo uu Madaxweynaha ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo dad badan ay shaki ka qabeen in ay qabsoomi karto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday qaranimada, wuxuuna sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray tallaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladdu kaga jawaabtay weerarkaas, isaga oo golaha kula dardaarmay in sida wadajir ah u waajahaan difaaca dalka. Madaxweynaha JFS, ayaa sidoo kale golaha wasiiradda ku booriyay in ay si midnimo, wadajir iyo wadatashi ah ku wajahaan xaaladda dalka, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ansixiyey labo heshiis oo muhiim u ah Qaranka iyo iskaashiga dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin.

1) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan iskaashiga amniga.

2) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iy Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan iskaashiga gaadiidka badda.

Sidoo Kale golaha Wasiirrada ayaa meelmariyey Hindise-Sharciyeedyo iyo Siyaadadaha kala ah.

1) Hindise-Sharciyeedka Caddeymaha.

2) Axdiga Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababbarka iyo Shahaado-siinta ilaalinta baxmaaxiinta 1978.

3) Xeerka dhismaha Machadka Soomaaliyeed ee Badaha.

4) Xeer-nidaamiyaha Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5) Siyaasadda Qaran ee Naafada Soomaaliyeed

Ugu dambeyn, golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, taas oo ku saabsan howlaha soo saarista shidaalka oo dhowaan laga bilaabi doono dalka, iyo warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka taas oo goluhu ka dhageystay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA.)

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh),ayaa guddoomiyey…

May 17, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maamulka caafimaadka Galmudug oo daawo gaarsiiyay deegaanka Caada-kibir

Maamulka wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa maanta MCH-ka deegaanka Cada-kibir ee gobolka Galgaduud gaarsiiyey deeq dawo ah oo loogu talagalay in…

Gudaha
January 7, 2023

Culimada Soomaaliyeed” Khawaarijtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”

Muqdisho,(SONNA):- Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii xalay kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View…

GudahaWararka
August 3, 2024

R/ Wasaare Xamsa oo xilalkii ka qaaday wasiiru dowlayaasha wasaaradaha Batroolka iyo beeraha

Muqdisho.SONNA— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta…

Gudaha
March 26, 2026

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Muqdisho, Isniin Oktoobar 07 2024:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu guddoominayey…

GudahaWararka
October 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023