Muqdisho(SONNA):-Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay shirka sanadlaha ah ee Madasha Aragti wadaagga ee Heritage, kaas oo socon doono mudda laba maalin ah ,waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo madax ka socoto dowlada Jabuuti, Kenya iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Machadka Heritage Mudane Musrsal Saney oo ka hadlay furitaanka madasha ayaa madaxda ku soo dhaweeyey wajiga labaad ee madasha 7-aad ee aragti wadaagga ee sanadlaha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadalay ayaa sheegay in wasaaradu ay dajisay qorshe dib u heshiisiin loogu sameynayo Bulshada Soomaaliyeed
“Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ay dajisay qorshe dhab u heshiisiin loogu sameynayo Bulshada waxaan daah fureynaaa qorshahaas Ramadan marka laga baxo”.Wasiir Axmed Macallin Fiqi”
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ,mudane Xasan Macallin ayaa isna madasha ka yiri “Dowladda Soomaaliya waxay rabtaa inay caado ka dhigato oraahdii Soomaali heshiis ah Duniddana la heshiis ah laakin Itoobiya waxay dooratay iney noqdaan kuwo faquuqan oo nabadda ku lid ku ah”.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Djibouti Md. Muumuin Xasan Barre ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb-galka madasha.
โAdduunka oo dhan in maanta nabad looga wada baahan yahay waa la wada ogyahay, waliba Geeska Afrika oo aynnu ku naalllo, marka loo eego dhibaatooyinka ka dhacaya Geeska Afrika iyadana waynnu wada ognahay. Nabaddu siidii ay dhaqan inoogu noqon lahayd in laga shaqeeyaa waa muhiim.โ Wasiir muumin, wasiirka Awqaafta ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya kana hadlay madasha ayaa bogaadiyey Madasha Heritage, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay nabadda Geeska Afrika.