Manchester(SONNA)-Weeraryahanka Manchester United iyo Xulka England ee Marcus Rashford ayaa wajahaya ugu yaraan lix isbuuc garoomada ka maqnaan doono kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka kulankii ay kooxdiisa 1-0 kaga badiyeen Wolves lugtii labaad ee tartanka FA Cup-ka.
22-sano jirkan ayaa dhaawacan soo gaaray kaddib markii lagu saaray badal qeybtii labaad ee kulankii qeybta ka ahaa tartanka faca weyn ee FA Cup-ka oo ay 1-0 kaga badiyeen Wolves, waxaana xusid mudan inuu kulankaas badal ku soo galay.
Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa u sheegay Sky Sports kaddib guuldarradii 2-0 ee xalay ka soo gaartay Liverpool: โWaxaa isaga soo gaaray dhaawac xun, waana wax walaac innagu abuuraya.โ
โdhibaatada waxa ay dhacday kulankii aan wajahaynay kooxda Wolverhampton manaโahan wax horay u dhacay, waxaan eegeynaa haddii Marcus Rashford uu garoommada ka maqnaanayo muddo, ma soo laaban doono maalmaha soo socda, ma ihi dhaqtar, sidaas darteed si sax ah uma aqaano, laakiin waxaan eegaynaa si ay xaladdiisa noqon doonto isbuucyadda soo aaddan.โ
โDhaawacyo badan ayaa harreeyay ciyaartoydeenna ugu muhiimsan xilli ciyaareedkan, waa uun nasiib darro aan ku jirno, waqtigan daaqadda iibka waa ay furan tahay, waana laga yaabaa inaan waqtiga oo gaaban la imaanno mashruuc kale sida ugu dhaqsiyaha badan.โ ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer oo la hadlayย Sky Sports.
Si kastaba Weeraryahanka Manchester United iyo Xulka England ee Marcus Rashford ayaa wajahaya xaalad adagย iyo dhibaato dhaawac oo uu kaga maqnaan doono kooxdiisa tiro lagu qiyaasayo 3 bilood kaddib dhaawacyo kala duwan oo ka soo kala gaaray dhabarka iyo canowga, inkastoo aan la ogeyn xilliga saxda ah ee uu kooxda dib ugu soo laabanayo tiyoo ay jiro inuu seegay ciyaartii xalay ay kooxdiisa khasaarada 2-0 kala kulmeen hoggaamiyaasha horyaalka ee Liverpool.