Muqdisho (SONNA)-Guddoomiye ku xigeynka Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir mudane Cumar Cali Cabdi oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud Warbaahinta Gobolka Banaadir mudane Cabdullaahi Wiish, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Degmada Holwadaag ayaa maanta ku baxay tabasho ay qabeyn dadka ku nool Waaxda Xaawo Taako oo dhibaato ku qaban biyaha roobka, maadama ay deganyihiin meel u dhaw Warta biyaha Xamar Jadiid.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka hadlay cabashadooda ku aadan in wax laga qabto Warta ay biyaha isugu yimaadaan ee Xamar Jadiid, waxaana ay codsadeen in maamulka Gobolka Banaadir uu wax ka qabto biyaha
Mustaf Cali Kheyre Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa maamulka gobolka uga warbixiyay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka, loona baahanyahay in bulshada laga caawiyo sidii biyaha halkaas looga saari lahaa.
Guddoomiye ku xigeynka Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir mudane Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay dhageysteen cabshada dadka deegaanka, waxaana uu intaa ku daray in ay wax ka qaban doonaan dhibaatada ay shacabka ka cabanayaan.
“Awooddeena maamul ma noqon doonto mid la idinkugu dulmiyo, waxaana qorsheyneynaa inaan wax ka qabano baahiyahiina ku aadan goobaha noqday biyo fadhiisadka” ayuu yiri mudane Cumar.
Guddoomiye Cumar ayaa kormeeray waddooyin ay Maamulka Degmada Howlwadaag ku sameeyeen dayactir.