Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)
GudahaMaqaallada

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 12, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya waxa uu sanadkaan meel mariyay dhowr Hindise sharciyeed oo ay ka mid yihiin seddex Hindse-Sharciyeed oo muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horay Goleyaashii u soo maray waddanka aaney wax badan ka fulin, waxaa xeerarkaan ka mid ah:- Hindise-Sharciyeedka La dagaallanka Argagaxisada oo ahaa mid muhiimad weyn ku fadhiya, marka la eeggo xaaladda uu dalku ku jiray 15-kii sano ee ugu dambeeyay, walow loo baahan yahay in xeerkaan laamaha Amnigu u isticmaalaan si sax ah oo aan baal marsaneyn qaanuunka, laguna dhibaateyn muwaadiniinta aan waxba galabsan,Dadka aad wax u taxliiliya gaar haanna Amniga ayaa horay su’aal u gelin jiray sababta goleyaashii Sharci-dejintu aan xeerkaan loo horkeenin.

Haddaan soo qaadanno Hindise-Sharciyeedka NISA:- hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda dalka ayaa 53 sano kadib yeelatay xeer uu Baarlamanka dalku meelmariyay, waxaa kale oo jira Hindise-Sharciyeedka cuna-qabateynta cayiman ee maaliyadda oo isagana ah sharci kale oo muhiim ah,Marka Dhammaan xeerarkaan waxay la jaan-qaadayaan marxaladda Amni ee Dalka Soomaaliya, waxayna ku soo aadeen xilli loo baahnaa in sharci loo helo tallaabo kasta oo dhanka nabad-gelyada loo qaadayo, si aan loogu xad-gudbin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Prof. Xasan Shiikh oo ka mid Macalimiinta wax ka dhiga Kulliyadaaha Dalka qaarkood, islamarkaana ah falanqeeya arrimaha Soomaaliya oo jooga magaalada Mudisho ayaa yiri “Dowladnimadu waa qaanuun, marka sharciyadaan uu Madaxweynuhu saxiixay waxaa lagu dabaqayaa sidii aan Dowladaha hore u maray looga daba tagi laha, si aan ula shaqeynno”.

Hindise Sharciyeedyadaasi waxaa kaloo ay wax ka weydiisay Wakaaladda Wararka ee SONNA qeybteeda warbixinada sida uu waxtar ugu yahay dalka iyo dadka Falanqeeye Ciise Xasan oo deggan magaalada Helisinki ee dalka Finland isagoo bogaadiyey sharciyada uu Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyay muddo kooban.

Dhinaca kale Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’addu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.

Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta ay farayaan in ay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’addaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cuna qabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaabo kasto oo ay qaadeyso haddey hormar tahay, Amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’addaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseeday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna, kuwaasi oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay, wuxuuna xusay in dowladdu ay gacan bir ah kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Haddaba maadamaa ay labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliyeed ay shaqo wanaagsan ay qasbteen shaqo wanaagsan Xilligan, muujiyeenna kartida iyo waajibaadka loogu doortay inay ka gutaan gudaha Baalamaanka sida uu qeeayo waajibaadooda dastuuriga ah ayaa waxaan dhihi karnaa waa markii ugu horreeysay oo la ansixiyo sharciyo intaa le’eg, muhiimna u ah Dalka ina ay meel mariyaan, marka waxaan dhihi karnaa waxay qabteen howl ama shaqo wax ku ool ah, maadama ay ansixiyeen dhowr mashruuc hindise sharciyeed oo aysan waligood qaban Barlamaannadii iyaga ka horreeyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddigii loo xil saaray baarista dil loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka Qaranka oo la kulmay ehelada marxuumka

Muqdisho(SONNA):-Guddi Wasiiro iyo Saraakiil Amni isugu jiray oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista dil dhowaan loo…

GudahaWararka
May 18, 2021

Shir looga hadlaayey sidii siyaasad Qaran looga yeelan lahaa arrimaha tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho

MUQDISHO-(SONNA)-Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxweynah JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta, Soogalootiga iyo xuquuqda…

GudahaWararka
April 14, 2024

Maalinta caalamiga ah ee caruurta Afrika oo looga dabbaal-degay Soomaaliya iyo dalal kale

Dalal kamid ah Afrika waxaa maalinimadii shalay ka dhacay xaflado lagu maamusaayo 16-ka Juun ee maalinta Caalamiga ah ee Carruurta…

Gudaha
June 17, 2021

Damacii Abiy ee Badda oo guray (WARBIXIN)

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023