Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)
GudahaMaqaallada

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo door wanaagsan ka qaatay la dagaalanka khawaariijta(Warbixin)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 12, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya waxa uu sanadkaan meel mariyay dhowr Hindise sharciyeed oo ay ka mid yihiin seddex Hindse-Sharciyeed oo muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horay Goleyaashii u soo maray waddanka aaney wax badan ka fulin, waxaa xeerarkaan ka mid ah:- Hindise-Sharciyeedka La dagaallanka Argagaxisada oo ahaa mid muhiimad weyn ku fadhiya, marka la eeggo xaaladda uu dalku ku jiray 15-kii sano ee ugu dambeeyay, walow loo baahan yahay in xeerkaan laamaha Amnigu u isticmaalaan si sax ah oo aan baal marsaneyn qaanuunka, laguna dhibaateyn muwaadiniinta aan waxba galabsan,Dadka aad wax u taxliiliya gaar haanna Amniga ayaa horay suโ€™aal u gelin jiray sababta goleyaashii Sharci-dejintu aan xeerkaan loo horkeenin.

Haddaan soo qaadanno Hindise-Sharciyeedka NISA:- heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda dalka ayaa 53 sano kadib yeelatay xeer uu Baarlamanka dalku meelmariyay, waxaa kale oo jira Hindise-Sharciyeedka cuna-qabateynta cayiman ee maaliyadda oo isagana ah sharci kale oo muhiim ah,Marka Dhammaan xeerarkaan waxay la jaan-qaadayaan marxaladda Amni ee Dalka Soomaaliya, waxayna ku soo aadeen xilli loo baahnaa in sharci loo helo tallaabo kasta oo dhanka nabad-gelyada loo qaadayo, si aan loogu xad-gudbin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Prof. Xasan Shiikh oo ka mid Macalimiinta wax ka dhiga Kulliyadaaha Dalka qaarkood, islamarkaana ah falanqeeya arrimaha Soomaaliya oo jooga magaalada Mudisho ayaa yiri โ€œDowladnimadu waa qaanuun, marka sharciyadaan uu Madaxweynuhu saxiixay waxaa lagu dabaqayaa sidii aan Dowladaha hore u maray looga daba tagi laha, si aan ula shaqeynnoโ€.

Hindise Sharciyeedyadaasi waxaa kaloo ay wax ka weydiisay Wakaaladda Wararka ee SONNA qeybteeda warbixinada sida uu waxtar ugu yahay dalka iyo dadka Falanqeeye Ciise Xasan oo deggan magaalada Helisinki ee dalka Finland isagoo bogaadiyey sharciyada uu Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyay muddo kooban.

Dhinaca kale Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska goโ€™aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

Hayโ€™addu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo goโ€™aannada Guddiga Sare ee NAMLC.

Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta ay farayaan in ay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hayโ€™addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan goโ€™aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hayโ€™adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hayโ€™addaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cuna qabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.โ€œDal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaabo kasto oo ay qaadeyso haddey hormar tahay, Amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.โ€, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hayโ€™addaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseeday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna, kuwaasi oo uu ka mid yahay Sharciga Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hayโ€™adda, tan iyo markii la aas-aasay, wuxuuna xusay in dowladdu ay gacan bir ah kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Haddaba maadamaa ay labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliyeed ay shaqo wanaagsan ay qasbteen shaqo wanaagsan Xilligan, muujiyeenna kartida iyo waajibaadka loogu doortay inay ka gutaan gudaha Baalamaanka sida uu qeeayo waajibaadooda dastuuriga ah ayaa waxaan dhihi karnaa waa markii ugu horreeysay oo la ansixiyo sharciyo intaa le’eg, muhiimna u ah Dalka ina ay meel mariyaan, marka waxaan dhihi karnaa waxay qabteen howl ama shaqo wax ku ool ah, maadama ay ansixiyeen dhowr mashruuc hindise sharciyeed oo aysan waligood qaban Barlamaannadii iyaga ka horreeyay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka

Muqdisho (SONNA) Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka…

GudahaWararka
February 5, 2023

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyey Banbax diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):- Waxa maanta si guul leh noogu soo gabagaboobay Banbaxa diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya waxaana soo xiray kulanka…

GudahaWararka
May 13, 2024

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

ย Nairobiย (SONNA) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu…

GudahaWararka
December 2, 2025

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Muqdisho,(SONNA):- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa mar kale garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku qabtay daroogo ka kooban…

GudahaWararka
August 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023