Kullanka Golaha Shacabka oo furmay, iyo go’aankii 15-ka Mudane laga gaaray oo dhaqan galay

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA)-Kullanka Golaha Shacabka Barlamanka Federal-ka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah furmay, waxa uuna si habsami leh uga socda Xarunta Villa-Hargeysa, iyagoona ku guda jira Ajendiyaasha hormarinta leh.

Ajendiyaasha horyaala ayaa kala ahaa:- Cudurka Saf marka ah ee Covid19, u Codeynta Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha iyo U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Golaha ayaa ansixiyey labada xubnood ee ka qayb noqonaya guddiga Madax-banaan ee Xaduudaha halka Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fawsiya Abiikar Nor ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaalada cudurka Corona.

Waxana xiga waa qodobka 3-aad ee Ajendahooda ee Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Waxaa  dhaqan galay in 15-kii Xubnood ee Baarlamanka uu guddoonka ka maanacay in ay ka qaby galaan kullamada golaha, uu go’aankaas dhaqan galay oo aanay qayb galin maanta.

La wadaag cid kale