Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa shirguddoomiyey kalfadhiga 2-aad kulankiisa 21-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta Xildhibaan Xasan Hurre Ugaas, aqrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka dhowrista xogta, aqrinta 2-aad ee Hindise sharciyeedka maareynta deegaanka iyo aqrinta 1-aad ee sharciga la dagaallanka argagaxisada.
Sidoo kale ajandaha wxaa ku jiray qeybinta warbixinta aqrrinta 2-aad ee Hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha iyo Hindisa sharciyeedka Socdaalka.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka doodaday Hindise sharciyeedka dhowrista xogta oo ay soo gudbisay xukuumadda.
Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda dowladda FS mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in muhiim ay tahay ilaalinta iyo keydinta xogta Qaranka, loona baahan yahay in qorshe cad loo yeelo keydinta xogta muwaadinka iyo tan dowladda.
Wasiirka wasaaradda Deeganka iyo Isbedelka Cimilada dowladda FS marwo Khadiija Maxamed Al Makhdzoumi ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka hortiisa ka aqrisay Hindisa sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay wasaaradda degaanka, iyadoo sheegtay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah uu siinayo maareeynta horumarinta iyo ilaalinta deegaanka ku teedsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirru dowlaha wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Xildhibaannadda golaha Shacabka u aqriyey cutubyo ka kooban sharciga la dagaallanka argagaxisada, kaas oo uu wasiirku sheegay hadii la meelmariyo uu noqon doono sharci soo afjaraayo xukunka argagixisada iyo wax kasta oo ku lug leh falalka argagaxisinimo, waxaana xildhibaannadda qaar ay soo jeediyeen in lagu saleeyo Diinta Islaamka magaca sharcigana laga dhigo (Sharciga Argagixisada iyo La Dagaallanka Fikirka Xagjirka).
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda dib loo dhigo si la isku soo laabto kulamada kale laguna dhameystiro dooda Sharciga la DaDagaallanka argagaxisada iyo sharuucda kale ee Golaha la horkeenay.