Qaramada Midoobe ayaa qaban doonta beri oo khamiis ah shir aan caadi ahayn kaas oo looga hadlaaayo sidii looga hartegi lahaa faafidda iyo la dagaalanka cudurka halista ah ee Karoona Fayras.
Shirkaan ayaa socon doona laba maalin, waxaana ka hadli doona 141 mas’uul kuwaas oo ay ka mid yihiin 53 madaxwayne, 39 ra’iisal wasaare iyo 38 wasiir.
Liiska madaxda hadli doonta waxaa ku jira Madaxda Ururka Caafimaadka Adduunka, Wakiilka sare ee Qaramada Midoobe u qaabilsan xuquuqda aadanaha iyo madaxa ururka shaqaalaha caalamiga ah.
In ka badan 64 malyan oo qof ayuu ku dhacay cudurka Karoona, waxaana u dhintay in ka badan hal malyan, halka ay ka caafimaadeen dad kor u dhaafaya 44 malyan.