Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Khawaarijta oo xanibaad saartay qayb ka mid ah Horjoogayaashooda(Wabixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo xanibaad saartay qayb ka mid ah Horjoogayaashooda(Wabixin)
Maqaallada

Khawaarijta oo xanibaad saartay qayb ka mid ah Horjoogayaashooda(Wabixin)

By Abdulkadir
Last updated: February 15, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda naxariista daran ee khawaariijta Al-shabaab ayaa wajahaya cabsidii ugu darnad ka dib markii jab xooggan ay kala kulmeen howlgallada ka dhanka ah, taas oo sababtay in kala shaki weyn uu soo kala dhex galay Horjoogayaasha Sar sare ee Maleeshiyada khawaarijta.

Horjoogayaasha ugu sareyso khawaarijta ayaa lagu soo roggay xanibaad iyo in aysan isaga gudbi karin degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan taas oo kaga timid Horjoogaha dhagarta badan ee Mahad kartaay oo doonayo in uu ballaariyo awoodiisa si uu ula wareego xukunka iyadoo xaalad adag ku sugan yahay Horjooge Axmed Diiriye.

Horjoogayaasha la go’doomiyay waxa kamid ahaa horjoogaha sameynta badan ku dhex leh kooxda khawaarijta Xasan Afrax oo kamid ahaa waxa ay ugu yeeraan Golaha Shuurada waxana  lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa jabka kooxda ka soo gaaray gobolada Mudug iyo Galgaduud, horjoogahana oo ka soo jeeda degmada Cadaado ayaa hada dhaafi karin Jilib iyo Koonya Baroow oo ka kala tirsan gobolada jubbada dhexe iyo Shabeellaha Hoose,waxa uuna qeyb ku lahaa diyaarinta iyo tababar siinta dhalinyaro badan oo lagu qalday kamid noqoshada  kooxda khawaarijta.

Horjeege Daahir Gacameey oo kooxda dhexdeeda looga yaqiin (Cabdi Xaafid)oo xilal kala duwan u soo qabtay khawaarijta oo ugu horreeyo waxa ay ugu yeraan Madaxii garsoorka iyo waaligii walaayaadka kooxda markii ay ka arrimineeysay gobolada koonfurta Bartamaha dalka.

Horjooge Daahir Gacameey oo ka soo jeeda degaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ayaa dhowr mar ku sime u noqday hoggaamiyihii ugu sareeyay kooxda oo la khaarajiyey  Axmed Cabdi (Godane) waxa uuna galay dambiyo badan oo uu khawaarijtu u xalaaleeyay dhiigga dad badan oo shacab ah,waxana isagu hadda uu xabsi guri ku yahay degmada Jilib xarunta Jubbada dhexe isagoo loo diiday in waxa dhaq dhaqaa ah usan sameeyn karin xiligaan.

Sidoo kale horjoogayaasha Sar sare ee Sameeynta ku lahaa khawaarijta ee la Godoomiyay loona diiday dhaq dhaqaaq  waxaa kamid ah Maxamed Aalla Suldaan oo Mar ahaa horjoogihii khawaarijta ee Gobolka Shabeellaha hoose waxana kala
Shakiga kooxda soo kala dhaxgalay Aawgeed laga dhiggay mid howlgab ah oo aan loo ogoleyn waxa dhaq dhaqaaq ah.

Horjooge Maxamed Aalla Suldaan oo ka soo jeedo Magaalada Burco ee gobolka togdheer ayaa kamid ahaa ragii aadka ugu dhawaa horjooge Axmed Cabdi Godane,waxa una door kulahaa in maleeshiyaad badan oo kayimid gobolka waqooyi Galbeed ay ku biiraan khawaarijta Alshabaab,balsa hadda waa howlgab aan meelna u dhaqaaqi karin isaga oo aad looga shakisan yahay.

Horjoogayaasha howlgabka laga dhigay marka laga soo tago kuwa Sar sare waxaa ku jira kuwa dhexe oo iyaguna aad daacad ugu ahaa kooxda khawaarijta waxana kamid ahaa Muxidiin Daqare oo ahaa dalaal khawaarijta, kana soo jeedo koonfurta gobolka Mudug hadana ah howlgab ku sugan gobolka jubbada dhexe.

Horjooge Ibraahim khawaarijtuna u taqaan sheekh Ibraahim kana soo jeedo Bariga Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa howlgab isna looga dhigay fashilkii khawaarijta kala kulantay gobolka Hiiraan.

Horjooge Guure oo isna ka soo jeedo Gurceel gobolka Galgaduud  oo khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Banaadir iyo Shabeelleha hoose dhaqaala Aruurintooda ayaa hadda howlgab ku ah Shabeellaha Hoose

tillaabadaan  howlgabka iyo go’doonka looga dhiggay horjoogayaasha khawaarijta ayaa imaanayo kadib markii khawaarijtu ku jabtay howlgallada guud ee dalka looga saarayo khawaarijta iyo kala shaki xooggan oo soo kala dhaxgalay horjoogayaasha ugu Sareysa khawaarijta.

Xayiraadani lagu soo roggay Horjoogayaasha daacadda u ahaa Maleeshiyada khawaarijta ayaa sameeysay noloshooda gaarka ah, iyagoo aan kulmi karin,safri karin oo aan xitaa isticmaali karin taleefanadooda gacanta,tan ugu daran ayaa ah in xitaa aysan xaasaskooda la kulmi karin oo aysan tagi karin goobaha ay joogaan iyagoo badankood horjoogayaashasi leh Afar xaas,waxa ayna tani muujineysa bur-burka khawaarijta iyo In ay ku jabeen howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda guud ahaan gobolada dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi,…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta oo Magaalada saakow isugu gaysay odayaal dhaqameed ay ka soo afduubteen Gobalada Jubooyinka(warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhibaata ku hayay shacabka soomaaaliyeed ayaa hadda wajahayo bur bur iyo quus kadib markii ay…

Maqaallada
April 19, 2023

Howsha Dhaqidda ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis)

kolka Qofka lagu sameynayo Kelyo Dhaqis, waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo mid isku ah oo mid…

GudahaHealthyMaqaallada
December 28, 2024

Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)

Muqdisho(SONNA):-Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay…

Maqaallada
January 7, 2023

Madaxweyne Xasan” Xoolaha dadka ka dhaxeeya ninka xadaya sida Khawaarijta ula dagaallameynaa” (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Dagaalka xooggan ee lagula jiro Khawaarijta waxaa bar-bar socda dagaal kale oo aan dadka u muuqan, balse Dowladda federaalka…

Maqaallada
July 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023