Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta oo xanibaad saartay qayb ka mid ah Horjoogayaashooda(Wabixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo xanibaad saartay qayb ka mid ah Horjoogayaashooda(Wabixin)
Maqaallada

Khawaarijta oo xanibaad saartay qayb ka mid ah Horjoogayaashooda(Wabixin)

By Abdulkadir
Last updated: February 15, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda naxariista daran ee khawaariijta Al-shabaab ayaa wajahaya cabsidii ugu darnad ka dib markii jab xooggan ay kala kulmeen howlgallada ka dhanka ah, taas oo sababtay in kala shaki weyn uu soo kala dhex galay Horjoogayaasha Sar sare ee Maleeshiyada khawaarijta.

Horjoogayaasha ugu sareyso khawaarijta ayaa lagu soo roggay xanibaad iyo in aysan isaga gudbi karin degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan taas oo kaga timid Horjoogaha dhagarta badan ee Mahad kartaay oo doonayo in uu ballaariyo awoodiisa si uu ula wareego xukunka iyadoo xaalad adag ku sugan yahay Horjooge Axmed Diiriye.

Horjoogayaasha la go’doomiyay waxa kamid ahaa horjoogaha sameynta badan ku dhex leh kooxda khawaarijta Xasan Afrax oo kamid ahaa waxa ay ugu yeeraan Golaha Shuurada waxana  lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa jabka kooxda ka soo gaaray gobolada Mudug iyo Galgaduud, horjoogahana oo ka soo jeeda degmada Cadaado ayaa hada dhaafi karin Jilib iyo Koonya Baroow oo ka kala tirsan gobolada jubbada dhexe iyo Shabeellaha Hoose,waxa uuna qeyb ku lahaa diyaarinta iyo tababar siinta dhalinyaro badan oo lagu qalday kamid noqoshada  kooxda khawaarijta.

Horjeege Daahir Gacameey oo kooxda dhexdeeda looga yaqiin (Cabdi Xaafid)oo xilal kala duwan u soo qabtay khawaarijta oo ugu horreeyo waxa ay ugu yeraan Madaxii garsoorka iyo waaligii walaayaadka kooxda markii ay ka arrimineeysay gobolada koonfurta Bartamaha dalka.

Horjooge Daahir Gacameey oo ka soo jeeda degaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ayaa dhowr mar ku sime u noqday hoggaamiyihii ugu sareeyay kooxda oo la khaarajiyey  Axmed Cabdi (Godane) waxa uuna galay dambiyo badan oo uu khawaarijtu u xalaaleeyay dhiigga dad badan oo shacab ah,waxana isagu hadda uu xabsi guri ku yahay degmada Jilib xarunta Jubbada dhexe isagoo loo diiday in waxa dhaq dhaqaa ah usan sameeyn karin xiligaan.

Sidoo kale horjoogayaasha Sar sare ee Sameeynta ku lahaa khawaarijta ee la Godoomiyay loona diiday dhaq dhaqaaq  waxaa kamid ah Maxamed Aalla Suldaan oo Mar ahaa horjoogihii khawaarijta ee Gobolka Shabeellaha hoose waxana kala
Shakiga kooxda soo kala dhaxgalay Aawgeed laga dhiggay mid howlgab ah oo aan loo ogoleyn waxa dhaq dhaqaaq ah.

Horjooge Maxamed Aalla Suldaan oo ka soo jeedo Magaalada Burco ee gobolka togdheer ayaa kamid ahaa ragii aadka ugu dhawaa horjooge Axmed Cabdi Godane,waxa una door kulahaa in maleeshiyaad badan oo kayimid gobolka waqooyi Galbeed ay ku biiraan khawaarijta Alshabaab,balsa hadda waa howlgab aan meelna u dhaqaaqi karin isaga oo aad looga shakisan yahay.

Horjoogayaasha howlgabka laga dhigay marka laga soo tago kuwa Sar sare waxaa ku jira kuwa dhexe oo iyaguna aad daacad ugu ahaa kooxda khawaarijta waxana kamid ahaa Muxidiin Daqare oo ahaa dalaal khawaarijta, kana soo jeedo koonfurta gobolka Mudug hadana ah howlgab ku sugan gobolka jubbada dhexe.

Horjooge Ibraahim khawaarijtuna u taqaan sheekh Ibraahim kana soo jeedo Bariga Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa howlgab isna looga dhigay fashilkii khawaarijta kala kulantay gobolka Hiiraan.

Horjooge Guure oo isna ka soo jeedo Gurceel gobolka Galgaduud  oo khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Banaadir iyo Shabeelleha hoose dhaqaala Aruurintooda ayaa hadda howlgab ku ah Shabeellaha Hoose

tillaabadaan  howlgabka iyo go’doonka looga dhiggay horjoogayaasha khawaarijta ayaa imaanayo kadib markii khawaarijtu ku jabtay howlgallada guud ee dalka looga saarayo khawaarijta iyo kala shaki xooggan oo soo kala dhaxgalay horjoogayaasha ugu Sareysa khawaarijta.

Xayiraadani lagu soo roggay Horjoogayaasha daacadda u ahaa Maleeshiyada khawaarijta ayaa sameeysay noloshooda gaarka ah, iyagoo aan kulmi karin,safri karin oo aan xitaa isticmaali karin taleefanadooda gacanta,tan ugu daran ayaa ah in xitaa aysan xaasaskooda la kulmi karin oo aysan tagi karin goobaha ay joogaan iyagoo badankood horjoogayaashasi leh Afar xaas,waxa ayna tani muujineysa bur-burka khawaarijta iyo In ay ku jabeen howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda guud ahaan gobolada dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaa la gudboon Xildhinbaanada laba Gole (WARBIXIN)

Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 24, 2024

Kala shaki weyn oo ka dhex qarxay horjoogayaasha Khawaarijta iyo maleeshiyaadka ay qaldeen

Muqdisho(SONNA):-Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo ayaa waxa gaaray Khasaarihii ugu badnaa ee lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee…

MaqaalladaWararka
February 11, 2023

Soomaaliya oo 63 jir ah, aan dib u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga, soo kabashadda iyo Horumarka

Muqdisho-(SONNA)-Maanta oo ay taarikhdu tahay kowda bisha Luulyo waxaan u dabaaldageynaa maalintii aan hananay xoriyadeena, 63 sanno ka hor. Waa…

GudahaMaqaalladaWararka
July 1, 2023

Jab kale ayaa ku dhacay Kooxda Khawaarijta ah (WARBIXIN)

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa howgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya ee AFRICOM ayay waxay howlgal qorsheysan oo cirka iyo…

GudahaMaqaallada
July 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023