Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
    Duqa Muqdisho oo xarig jaray wadada Sheekh Cali Suufi
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay saraakiishii fulisay hawlgalkii wadada Muqdisho-Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Khawaarijta oo Magaalada saakow isugu gaysay odayaal dhaqameed ay ka soo afduubteen Gobalada Jubooyinka(warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta oo Magaalada saakow isugu gaysay odayaal dhaqameed ay ka soo afduubteen Gobalada Jubooyinka(warbixin)
Maqaallada

Khawaarijta oo Magaalada saakow isugu gaysay odayaal dhaqameed ay ka soo afduubteen Gobalada Jubooyinka(warbixin)

By Abdulkadir
Last updated: April 19, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhibaata ku hayay shacabka soomaaaliyeed ayaa hadda wajahayo bur bur iyo quus kadib markii ay kaladi waayeen geesiyaasha xoogga dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo soo afjaray waayihii amar kutaagleynta iyo ka been sheegida diinta islaamka.

Khawaarijta ayaa hadda ku jiraa maalmahoodii ugu xumaa kadib markii ay ku jabeen dagaalka ay dowladda garwadeenka katahy,waxana khilaaf xoogga uu soo kala dhaxgalay horjoogayaasha ugu sar-sareeysa khawaarijta iyo maleeshiyaadkood oo isku khilaafay aan is dhiibnno iyo Maya waan dagaalameyna,iyadoo khawaarijta qaar ay hubkooda ay ku wareejiyen beelaha ay ka soo jedaan si loo bad-baadiyo.

Wararka ay warbaahinta qaranka ka heleeyso gobolada jubooyinka ayaa ku soo waramayo in hadda kooxda khawaarijta ay billaabeen in ay afduubtaan odayaasha ku dhaqan degaannada ay ku dhuumaleeysanayaan gaar ahaan kuwa kuyaal koonfurta soomaaliya.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in khawaarijtu odyaal badan oo ay ka afdubteen degaanno katirsan gobolada Gado jubbada Dhexe, jubbada Hoose kuwaa oo la isugu geeyay magaalada Saakoow.

Afduubka odayaashan waxa khawaarijta u qaabilsan horjooge Maxamed Abuu Cabdalle oo ugu magacaaban jubooyinka,kana soo jeeda magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan iyo horjooge Sahal Abuu Maraan oo isna ugu magaacaban gobolka Gado kana soo jeedo magaalada laascanood ee gobolka Sool.

Odayaasha ay soo xir-xireen labada horjooge waxaa  midkiiba lagu xukumay islamarkaana qasab looga dhigay in ay bixiyaa boqol Qoray iyo boqol wiil madamaa ay khawaarijtu hub iyo dhaqaalo intaba ku weysay howlgallada dalka ka soconayo,warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale ogaatay in odayaasha dhaqanka ee lagu xir-xiray Sakoow ay kor udhaafayaan  40-oday,kuwaa oo khawaarijta todobaadyadii ugu dambeyay ka soo afdubeen gobolada Gado iyo jubooyinka,madax furashada laga raba odayaasha waxa wehliya in maalmaha soo socda laga hadalsiin doonno si ay u soo jeediyaan hadala u muuqada tageerada kooxda,su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah muxuu maxbuusa la qabsaday ka hadlaa?!

Tallaabadaan ay khawaarijtu qaaday ayaa muujinaya in dhaqaala ahaan iyo awood ahaanba ay ku jabtay dagaalka ka dhanka ah oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo go’aansaday in ay iska dulqadaan cadawga Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab.

Dowladda soomaaliya ayaa dagaalka toosa ah mid dhaqaale iyo mid lagu joo jinayo faa’finta fikirkooda qaldan ayaa hadda u muuqdo mid ay dowlada iyo shacabka oo isku duuban ay ku guleeysteen,waxan khawaarijta laga saaray degaanno iyo dagmooyin dhowr ah oo katirsan gobolada dalka oo mudda kabadan 15-sano ay dhibaata ku hayeen  shacabka ku dhaqan,kuwaa oo hada dareemayo Neecaawda dowladnimo.

Khawaarijta ayaa hadda wajahaya xaalad quusa ah,taa oo ku qasbeeyso in ay isku soo dhiibaan dowlada halka inta diidana wajibkooda lamarin doono waxana halkaa ku dhamaanayo wayihi gumeeysiga iyo caga jugleeynta ay ku heysay argagixisada ummadda soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sh. “Culimo Mideysan ayaa mideyn karta Ummadda” (WARBIXIN)

Waxaa maalintii 3-aad galay Shirwrynaha 2-aad ee Culimaa'udiinka Soomaaliyeed oo ka socda haatanba magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo sidii…

GudahaMaqaallada
July 31, 2024

Deegaanada galbeedka Jowhar oo laga bilaabay hawlgall lagu ciribtirayo khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal…

Maqaallada
March 16, 2023

Madaxweyne Xasan Shiikh” Waxaan rejo wanaagsan ka qabaa in ay Soomaaliya ka guuleysan doonto caqabad kasta,”

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Midowga Afrika…

Maqaallada
February 19, 2023

Hoggaamiyaha dhabta waa midka u sahmiya dadkiisa goobta ku haboon (WARBIXIN)

Degmada Galhareeri ee Gobolka Galguduud ayay Khawaarijta haatan u tahay xarun weyn oo ay u arkayeen in ay ku amaan…

GudahaMaqaallada
August 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023