Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sh. “Culimo Mideysan ayaa mideyn karta Ummadda” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sh. “Culimo Mideysan ayaa mideyn karta Ummadda” (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Madaxweyne Xasan Sh. “Culimo Mideysan ayaa mideyn karta Ummadda” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 31, 2024
6 Min Read
Share

Waxaa maalintii 3-aad galay Shirwrynaha 2-aad ee Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka socda haatanba magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah, waxaana Shirweynaha Culimada ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Waxaase xusid mudan Shirkii 1-aad ee Culimada Soomaaliyeed ee sanadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu bogaadiyay howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab , sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu yahay Jihaad, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid, waxaana lagu Iftooday in Al-shabaab ay yihiin Khawaarij, islamarkaana loogu yeero karo (Khawaarij) oo qura, balse Shirweynahaan ee sanadkan waxaa ka qeybgalaya  Culimmaa’udiin Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid, iyadoo  ay sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, waxaana sanadkan Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimadaa’udiinka ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed, wuxuuna soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta Argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.

“Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, Afka, midnimada iyo wadajirka, taasi oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, haddaba diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay, waxaana jiro khataro badan, qofka rabaa in uu qeybiyo dadkeenna hab qabiil iyo mid deegaan kuma qeybin karo, waana sababta ay khawaarijta iyo kuwa wadajirkeenna dhibayo ay u soo mareen dhanka diinteenna suubban ee aynu ku midaysan nahay”, ayuu sheegay Madaxweynuhu Culuaa’udiinka Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay Madaxweynuh khilaafka Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa yiri:- “ Gacmo daahir ayaa wax daahirisa, marka waxaa loo baahan yahay in Culimo Mideysnaato, si ay u mideyn kar aan Ummadda Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay Xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay Argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaasi. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Ummadda iyo Culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig) oo door muhiimka ahaa ka soo qaatay faafinta diinta islaamka iyo baridda dadka Soomaaliyeed.

Haddaba maxaa laga yiri Shirkaasi iyo muhiimaddiisa, Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa faray in Culimaa’udiinka Soomaaliyeed in ay galaan safka hore ee dagaalka oo ay hoggaamiyaan jihaadka dalka looga xoreynayo khawaarijta, wuxuuna uuna sidoo kale ka jawaabaya dhaliilaha ay dadka qaar u jeedinayaan shacabka hubeysan ee dagaallada culus kula jira khawaarijta ayaa sheegay in taasi tahay qalad, wuxuuna intaa raaciyay in kooxaha nabad-diidka oo uu rabbi naga dul qaado ay tahay cibaado Alle loogu dhowaanayo.

“Qofkii dhaha qabaa’ilka hubka qaatay halaag ayaa ka soo socda, isagaa halaagsamay mar hore, Khawaarij oo Alle naga dul qaado ayaa Rabbi ugu dhawaaneynaa,  Culumada dalka joogta waxaan leeyahay, safka hore gala oo jihaadka hoggaamiya.”, sidaasi waxaa ku jawaabay Shiikh Usuuli, waxa uuna ugu dambeyn ku tilmaamay Ciidanka Macawiisleyda in ay yihiin Ahlu janno, maaddaama ay qaateen dardaarankii Rasuulka CSW, wuxuuna ku celceliyay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta, isagoo ka hadlaayay qaabkii ay Diintu u fidday ayaa yiri Sheekh Usuuli:- “Manhajka Culumaa’u Suufiya ayaa Dadka Soomaaliyeed ka ilaaliyey inay Gaaloobaan,Ilmaheena Yurubna Manhajkaas ayaa Gaalnimada ka ilaalin kara”.

Dhinaca kale Dr. Sheekh Cusmaan Macallin Maxamuud Sheekh Cali oo ka mid ah Culimada ka qayb gashay shirka weynaha Culimaa’udiinka Soomaaliyee ayaa isna sheegay in qilaafka uu yahay mid dhaca, isagoo Meesha ka saaray in mucaaradka Imaamku uu noqdo mid wax toosiya, Sheekha ayaa intaasi raaciyay in Rasuulku SCW uu saxaabadiis kula dardaarmay daacad iyo is-maqal iyo in aan dadka talada haya la khilaafin, wuxuuna xusay in madax iyo shacab ay waajib ku tahay difaaca iyo ilaalinta Diinteenna suubban.

DR Cusmaan Macallin ayaa yiri:- ” Madax iyo shacab waxa waajib ku ah difaaca iyo ilaaalinta Diinteena.” Sheekh Cusmaan ayaa ugu dambeyn sheegay in aad la qilaafin Imaamka ama hoggaanka dalka, si aysan fidnadu u baahin, loogana hor iman dardaarankii Rasuulka SCW.

Waxaa kaloo isna aan ka soo qaadan karnaa Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago qilaafaadka Umadda Soomaaliyeed, loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya, lagana shaqeeyo masaalixda guud ee dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in doorka Culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumidda Ummadda Soomaaliyeed uu yahay mid weyn, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto.

By. C/lahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY SHIRWEYNAHA 15-AAD EE DARAASAADKA SOOMAALIYEED

Muqdisho, Diseembar 15, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga…

GudahaWararka
December 15, 2024

Kulan lagu Xoojinayey Amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay Dayniile

Muqdisho(SONNA):-Kulan afur wadareed ah oo lagu xoojinayey nabadda iyo amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir, kana qeyb galeen…

GudahaWararka
March 18, 2024

Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada dhallinyarada ee Wadamada Carabta

Muqdisho, (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee…

GudahaWararka
February 11, 2024

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku qaabilay Ergeyga…

GudahaWararka
February 3, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023