Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood baa u furan, is dhiibid ama is-daldalid (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood baa u furan, is dhiibid ama is-daldalid (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood baa u furan, is dhiibid ama is-daldalid (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 16, 2023
7 Min Read
Share

Ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoogagga dib u xoreynta, Wadamada Safka hore iyo saaxiibada Caalamka ayaa waxa ay si toos ah u gudagaleen dhameystirka dagaalka Wejigiisa 1-aad, kaasi oo la doonayo in dib loo soo celiyo gacan ku hayenta Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo deegaannada ku xeeran, taasoo ay muddo 15 sano ay kooxda khawaarijtu ku hayeen duleys, islamarkaana ka reebay Magaalooyinka Gobolka intooda kale ee adeegyada aasaasiga u ah horumarka Bulsho, sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo wixii la mid ah.

Dowladda Soomaaliya waxay beryahaanba waday digniino loo soo jeedinaayo Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo Deegaannada ku xeeran, waxaana waraaqo digniineed hawada uga daadisay Diyaarado, haddana waxaa sii xoojinaaya digniintaasi Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood waxa uuna dadka ku harsan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan khawaarijta u diray digniinno culus, wuxuuna faray in ay isaga fogaadaan shacabka goobahaasi, si dagaal culus loogu qaado khawaarijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerarayo., wuxuuna si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab la’ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahoodaba, waxaa kaloo uu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa khawaarijta laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa u jiheystay xoreynta degmooyinka Ceelbuur, Wabxo iyo Galhareeri ee Gobolka Galgadud, halkaas oo in ka badan 10-kii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayaan Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaana la soo warinayaa in Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka kala baxay Magaalooyinka Dhuusamareeb oo katirsan Gobolka Galgaduud iyo degmada Maxaas oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgallada bilaabeen, isla markaana laga xoreyn doono Al-Shabaab deegaannada ay ka joogaan Maamul-goboleedka Galmudug, isagoo  sheegay in howlgalka wejigii koowaad lagula wareegay degaanno dhowr ah, isla markaana uu rajeeynayo in Wejiga 2-aad lagu soo dhameeyo, islamarkaana lagula wareego degaannada iyo degmooyinka ay weli kaga harsan yihiin Gobolada kale ee dalka.

Diyaarado Dagaal ayaa Duqaynaya Duleedka deegaanka Wabxo oo u dhow Degmada Ceelbuur oo ay Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab muddo maamuleysay, waxaana la soo warinayaa in ay halkaasi ka baxeen Khwaarijtu, iyagoo ku kala baxay Waddooyinka Dari iyo Ceel-buur, Xaaladda ayaana la sheegay in ay tahay mid aad ugu xun Kooxda, waxaase ka sii daray waxa ku soo socda maalmaha nagu soo fooda leh.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad  ee Cali Binu Daalib ayaa howgallo ballaaran ka sameeyay tuulooyinka Ceel gorof , Ceel boorre iyo Geeddi koror oo u dhaxeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo dhinaca Degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer deegaannada hoos yimaadana ay Ciidanku ka wadaan howlo isgu jira ka sifeyn haraadiga Khawaarijta dhulka howdka ah, iyo islamarkaana waxay Miino saaris ka wadaan Deegaannadaasi, si ay u gaaran Deegaannada Dirri iyo Jacar.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyaha  guutada 26 -aad ee Cali Binu Abii Daalib gaashaanle, Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin,  waxayna  ciidamadu ku guuleysteen in ay isku furaan waddada xiriirisa Degmada Maxaas iyo Wabxo.

Ciidanka xoogga ayaa intay howlgalka ku jireen waxay waddooyinka qaar ay ka saareen miinooyin ay Argagixisadu ku aaseen halkaasi, iyadoo warar xaqiiqo ah ay sheegayaan maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaana ay isaga carareen, kadina ay diyaaradaha dagaalku ay la dabagaleen rasaas, waxaa jirta in cagteey I furo ay halkaasi ka yeerta, waxaana dhex wareegayay Baraha Bulshada muuqaal kooban oo tusaya in Kooxda khawaarijta ah ay hadda tahay naf la caari, waayo waxaa la arkay iyagoo orodka ka baxaya aad yaabeysid (Naftu macaanaa).

“Idinka Ilaahey gododka ay cabsi darteed ugu dhuunteen ayaa loogu tagaayaa Khawaarijta”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, wuxuuna intaasi raaciyay in Haraadiga Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood un baa u furan, taasi oo uu ku sheegay inay tahay 1. Is-dhiibid ama 2. is-daldalid. “Calanka qaranka mar dhow dhul ballaaran ayaa laga taagi doonaa  Insha Allaah. Afkhawaarijna waa la arkay waxa ay yihiin”, ayuu ku soo gagabeeyay hadalkiisa, mar uu la hadlaayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Haweenka iyo xuquuul-insaanka Khadiijo Diiriye oo dhinaca Haweenka Macaawisleyda ah oo ka hadleysa sida Haweenka Soomaaliyeed ay Ciidankooda u garab taagan yihiin ayaa tiri:- “Haweenka Soomaaliyeed waxa ay garab taagan yihiin ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka, wixii sahay ahna waan gaarsiin doonnaa”.

Xildhibaan Jacfar”Dadka  dhahay dhimasho ayaan u soconnaa Guryaha islaamka ha ka qeylininee dhimasho halkaas ma taal ee furinta taga”, wuxuu hadalkaasi ka sheegay mar uu sii sagootinayay Ciidamo u sii jeeda jiidda hore ee Dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee ku sugan deegaannada Galhareeri iyo Ceelbuur, “ Ganacsatadeenna gacantooda iyo jeebkooda waxaa u dhaxeeya Shabaab, marka wax ma bixi karaane annaga oo Xildhibaanadiinna ah ayaa bixineynee ee dagaalka ha la galo”, ayuu sii raaciyiyay xildhibaanka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta oo bilaabay in hubkoodii ay ku wareejiyaan beellaha kadib markii ay xaqiijiyeen in la joogo Dhammaadkooda (warbixin)

Muqdiaho(SONNA):-Kooxda khawaarijta oo mudda dheer dhibaata ku hayay shacabka soomaaaliyeed ayaa hadda wajahayo bur bur iyo quus kadib markii ay…

Maqaallada
April 17, 2023

Soomaaliya oo taageero Militari u heshay wajiga -2aad ee dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA)--Mareykanka ayaa kordhinaya kaalmada milateri ee uu siiyo Soomaaliya xilli uu dalku guul u arko in uu la dagaallamayo waxa…

GudahaMaqaallada
March 4, 2023

Shaqsi Soomaali ah  oo ka mid noqday Baarlamaanka gobolka Nova Scotia ee Canada

Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee  Soomaali ah oo ka mid…

Gudaha
August 20, 2021

kulan ku saabsan xog uruurinta naafada dalka oo lagu qabtay Garoowe

Garoowe (SONNA): Hay'ada naafada Qaranka oo kaashanaysa daladda naafada Puntland ayaa Garoowe ku qabtay kulan ku saabsan xog uruurinta naafada…

GudahaSawirroWararka
March 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023