Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood baa u furan, is dhiibid ama is-daldalid (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood baa u furan, is dhiibid ama is-daldalid (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood baa u furan, is dhiibid ama is-daldalid (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 16, 2023
7 Min Read
Share

Ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoogagga dib u xoreynta, Wadamada Safka hore iyo saaxiibada Caalamka ayaa waxa ay si toos ah u gudagaleen dhameystirka dagaalka Wejigiisa 1-aad, kaasi oo la doonayo in dib loo soo celiyo gacan ku hayenta Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo deegaannada ku xeeran, taasoo ay muddo 15 sano ay kooxda khawaarijtu ku hayeen duleys, islamarkaana ka reebay Magaalooyinka Gobolka intooda kale ee adeegyada aasaasiga u ah horumarka Bulsho, sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo wixii la mid ah.

Dowladda Soomaaliya waxay beryahaanba waday digniino loo soo jeedinaayo Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo Deegaannada ku xeeran, waxaana waraaqo digniineed hawada uga daadisay Diyaarado, haddana waxaa sii xoojinaaya digniintaasi Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood waxa uuna dadka ku harsan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan khawaarijta u diray digniinno culus, wuxuuna faray in ay isaga fogaadaan shacabka goobahaasi, si dagaal culus loogu qaado khawaarijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerarayo., wuxuuna si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab laโ€™ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahoodaba, waxaa kaloo uu sheegay Afhayeenku in goobihii horay loo duqeeayay ay ka ag dhow yihiin dad iyo xoolo, dagaalka iyo duqeyntuna ay sii socon doonaan illaa khawaarijta laga nadiifiyo dalka oo dhan, wuxuuna shacabku ka codsaday mar kale in aysan fududeysan digniinta loo dirayo si loo beegsado cadowga oo keliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa u jiheystay xoreynta degmooyinka Ceelbuur, Wabxo iyo Galhareeri ee Gobolka Galgadud, halkaas oo in ka badan 10-kii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayaan Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaana la soo warinayaa in Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka kala baxay Magaalooyinka Dhuusamareeb oo katirsan Gobolka Galgaduud iyo degmada Maxaas oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgallada bilaabeen, isla markaana laga xoreyn doono Al-Shabaab deegaannada ay ka joogaan Maamul-goboleedka Galmudug, isagoo ย sheegay in howlgalka wejigii koowaad lagula wareegay degaanno dhowr ah, isla markaana uu rajeeynayo in Wejiga 2-aad lagu soo dhameeyo, islamarkaana lagula wareego degaannada iyo degmooyinka ay weli kaga harsan yihiin Gobolada kale ee dalka.

Diyaarado Dagaal ayaa Duqaynaya Duleedka deegaanka Wabxo oo u dhow Degmada Ceelbuur oo ay Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab muddo maamuleysay, waxaana la soo warinayaa in ay halkaasi ka baxeen Khwaarijtu, iyagoo ku kala baxay Waddooyinka Dari iyo Ceel-buur, Xaaladda ayaana la sheegay in ay tahay mid aad ugu xun Kooxda, waxaase ka sii daray waxa ku soo socda maalmaha nagu soo fooda leh.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan guutada 26-aadย  ee Cali Binu Daalib ayaa howgallo ballaaran ka sameeyay tuulooyinka Ceel gorof , Ceel boorre iyo Geeddi koror oo u dhaxeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo dhinaca Degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer deegaannada hoos yimaadana ay Ciidanku ka wadaan howlo isgu jira ka sifeyn haraadiga Khawaarijta dhulka howdka ah, iyo islamarkaana waxay Miino saaris ka wadaan Deegaannadaasi, si ay u gaaran Deegaannada Dirri iyo Jacar.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyahaย  guutada 26 -aad ee Cali Binu Abii Daalib gaashaanle, Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin,ย  waxaynaย  ciidamadu ku guuleysteen in ay isku furaan waddada xiriirisa Degmada Maxaas iyo Wabxo.

Ciidanka xoogga ayaa intay howlgalka ku jireen waxay waddooyinka qaar ayย ka saareen miinooyin ay Argagixisadu ku aaseen halkaasi, iyadoo warar xaqiiqo ah ay sheegayaan maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaana ay isaga carareen, kadina ay diyaaradaha dagaalku ay la dabagaleen rasaas, waxaa jirta in cagteey I furo ay halkaasi ka yeerta, waxaana dhex wareegayay Baraha Bulshada muuqaal kooban oo tusaya in Kooxda khawaarijta ah ay hadda tahay naf la caari, waayo waxaa la arkay iyagoo orodka ka baxaya aad yaabeysid (Naftu macaanaa).

โ€œIdinka Ilaahey gododka ay cabsi darteed ugu dhuunteen ayaa loogu tagaayaa Khawaarijtaโ€, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, wuxuuna intaasi raaciyay in Haraadiga Khawaarijta Galmudug ku haray 2 waddo Midkood un baa u furan, taasi oo uu ku sheegay inay tahay 1. Is-dhiibid ama 2. is-daldalid. โ€œCalanka qaranka mar dhow dhul ballaaran ayaa laga taagi doonaaย  Insha Allaah. Afkhawaarijna waa la arkay waxa ay yihiinโ€, ayuu ku soo gagabeeyay hadalkiisa, mar uu la hadlaayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Haweenka iyo xuquuul-insaanka Khadiijo Diiriye oo dhinaca Haweenka Macaawisleyda ah oo ka hadleysa sida Haweenka Soomaaliyeed ay Ciidankooda u garab taagan yihiin ayaa tiri:- “Haweenka Soomaaliyeed waxa ay garab taagan yihiin ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka, wixii sahay ahna waan gaarsiin doonnaa”.

Xildhibaan Jacfar”Dadka ย dhahay dhimasho ayaan u soconnaa Guryaha islaamka ha ka qeylininee dhimasho halkaas ma taal ee furinta taga”, wuxuu hadalkaasi ka sheegay mar uu sii sagootinayay Ciidamo u sii jeeda jiidda hore ee Dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee ku sugan deegaannada Galhareeri iyo Ceelbuur, โ€œ Ganacsatadeenna gacantooda iyo jeebkooda waxaa u dhaxeeya Shabaab, marka wax ma bixi karaane annaga oo Xildhibaanadiinna ah ayaa bixineynee ee dagaalka ha la galoโ€, ayuu sii raaciyiyay xildhibaanka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo booqaday qaar ka mid ah warshadaha kalluunka dalka Talyaaniga

Talyaaniga:-SONNA-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa booqday warshadaha soo saara…

GudahaWararka
February 16, 2023

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo Ra’iisal wasaaraha dalka oo ka tacsiyeeyey geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Muqdisho (SONNA)- Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan…

GudahaWararka
February 23, 2021

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

Shacabka ย Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta warfaafinta Soomaaliya,gaar ahaan qoraalka Afka Soomaaliga oo kamid ah luuqadaha looga hadlo…

GudahaMaqaallada
January 21, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee aas aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka…

GudahaWararka
December 24, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023