Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hayโ€™adda WFP
    March 9, 2026
    Wasiirka Qoyska oo xarig jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska
    March 9, 2026
    ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช ๐‹๐š๐œ๐š๐ ๐ž๐ž๐ ๐ค๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š
    March 9, 2026
    Kulan lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
    Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Masโ€™uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Khawaarijta Al-shabaab oo khaarijiyay boqolaal ka tirsan Daacish oo maxaabiis ahaan ugu xirnaa (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khawaarijta Al-shabaab oo khaarijiyay boqolaal ka tirsan Daacish oo maxaabiis ahaan ugu xirnaa (Warbixin)
Maqaallada

Khawaarijta Al-shabaab oo khaarijiyay boqolaal ka tirsan Daacish oo maxaabiis ahaan ugu xirnaa (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 13, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay faah-faahinta malesshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo muddo sanado ah u xirnaa kooxda Khawaarijta arxanka-daran ee Al-shabaab oo inta ay Xabsiyada kala baxeen meelo kala duwan ku khaarijiyeen.

Maleeshiyaad boqolaal gaaraya oo ka dhigan tiradii ugu badneydย  ee ka tirsanaa Daacish oo Al-shabaab muddo Shan ah xabsiyo kala duwan ugu xirnaa ayay Khawaarijtu Al-shabaab khaarijiyeen labadii todobaad ee la soo dhaafay, iyagoo tallaabadaas uga dan leh in ay ugu aargudaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaaab oo lagu baabi’iyayย  dagaallo iyo qaraxyo ay Daacish ka geysteen buuraha Golis ee gobolka Bari.

Maleeshiyada Daacish, ee Al-shabaab ay khaarijiyeen waxaa lagala soo baxay xabsiyo ay dadka ku ciqaabaan Khawaarijta oo ku kala yaalaย  Sakow, Jilib iyo Kuunya-barow oo ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha hoose, iyadoo si bareer ah loogu laayay duleedyada saddexdaas degmo.

Wararka ay warbaahinta Qaranka ka heshay gudaha Khawaarijta Al-shabaab waxay xaqiijiyeen ka hor tallaabadan khaarijinta ah inta aysan qaadin waxay horjoogayaasha Khawaarijtu isugu yeereen xaasaskaย  ay qabeen maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Daacish ee ay dileen, iyagoo u sheegay in nimankooda Diin ahaan ku xirmin oo laga fasaqayo, waanna ficil ay kooxdu caan ku tahay.

Goobaha ay maleeshiyada Al-shabaab ugu yeerteen xaasaska maleeshiyaadka Daacish ee ay ugu dambeynna dileen waxaa ka I’d ah deegaanka Buulo-fullaay ee gobolka Baay.

Amarka lagu khaarijiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish ee in muddo ah maxaabiis ahaan ugu jiray gacanta Al-shabaab, waxaa bixiyay horjoogaha dhagarta badan ee Khawaarijta Al-shabaab awoodda ku dhex leh ee Mahad Karataay,iyadoo fulinta howshaasina ay qabteen labo horjooge oo aad ugu dhow, kuwaas oo kala ah Liibaan Cali Cabdi oo magaciisu afgarashada uu yahay ” Saacid”, iyo Sahal Baabul Qowf oo labadaba ka soo wada jeeda deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Dad deegaanka ah oo ku sugan goobaha ay maleeshiyada Khawaarijta ku laayeen boqolaalka maleeshiyo ee ka tirsan kooxda argagixisada ee Daacish, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed in ay arkeen Al-shabaab oo duleedka degmooyinka Jilib,Kuunya-barow iyo Sakow xabaalo-wadareedyo ku aasaya meydadka maleeshiyaadka Daacish ee sida tira-beelka ah ay u laayeen.

Khilaafka iyo is-ugaarsiga ka dhex jira kooxaha Khawaarijtaย  iyo argagixisada wada ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo soo jiidamayay sanado badan ayaa sii xoogeystay shantii Sano ee la soo dhaafay, wallow la wada ogyahay wax xaq ah oo mideynayay ama ku heshiiyeen aanu jirin, marka laga reebo in ay banneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Xiisaddu waxay faraha ka baxday oo ka siiย  dartay labadii bilood ee ugu dambeysay markaas oo ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish weeraro isugu jira dagaal toos ahย  iyo is qarxin ah ay ku qaadeen xarumo Khawaarijta Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Buuraleyda gobolka Bari, halkaas oo ay Daacish ku laayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hayโ€™adda WFP

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir…

March 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

โ€˜Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amnigaโ€™ (WARBIXIN)

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada…

GudahaMaqaallada
June 24, 2024

(Warbixin) Kumanaan qoys oo ka barakacay fatahaadda webiga Jubba ee degmada Baardheere

Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya fatahaadda uu sameynayo webiga Jubba ee mara degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Fatahaada…

GudahaMaqaalladaWararka
November 7, 2023

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad…

GudahaMaqaalladaWararka
August 11, 2025

Yaa dhiira-geliya Musuq-maasuqa? (Warbixin)

Muqdisho(SONNA)Dowladda waxay si isku mid ah ula dagaallameysaa Khawaarijta oo caqabad ku ah nabadda iyo musuqmaasuqaย  oo ah dilaaga horumarka…

Maqaallada
May 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023