Jubbaland-SONNA:-Guud ahaan Jubaland waxaa bilihii lasoo dhaafay ka jiray abaaro daran oo saameeyay dadka xoolo dhaqatada, beeraleeyda iyo guud ahaan bulshada.
Intaas waxaa sii dheer xoolo dhaqato iyo dad ree guura ah oo kasoo barakacay dalalka dariska ah oo soo gaaray Gobolada Jubaland.
Tiro gaaraysa 174,000 oo qoys ayaa ku barakacay abaarta iyo saamanteeda laga soo bilaabo Oktoobar 2021, iyadoo dadkaas ay wajahaday cuno yari baahsan iyo biyo laโaan meelaha qaarna wali dadku ay la il daran yihiin.
Gobolka Jubada Hoose oo kaliyah, waxaa ku barakacay 76,000 oo qoys halka sidoo kale Jubada dhexe ay ku barakeceen dad gaaraya 40,000, gobolka Gedo isagana waxaa ku barakacay 58,000 qoys ilaa bilowga sanadkan.
Dowlada Jubaland waxay awoodeeda isugu gaysay sidii gurmad baaxad leh loola gaari lahaa dadka dhibaatadu ay gaartay
In ka badan 250 deegaan guud ahaan Jubaland ayaa la gaarsiiyay gurmad kala duwan oo isugu jiro cuno iyo biyo, sidoo kale waxaan meelaha qaar la geeyay howlwadeeno iyo dhakhaatiir caafimaad oo la tacaala xanuunka #Covid19 oo meelaha qaar aad ugu faafay.
Iyadoo ay jiraan dadaaladaas baaxada leh, hadana wali dhibaatada abaartu waa mid u baahan gurmad dheeraad ah.
โwaxaan ugu baaqayaa dhamaan hayโadaha gargaarka iyo cid walba oo ka qeyb qaadan karta inay taageero ka gaysato gurmadka aan wadnoโ. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxeynaha dowlad goboleedka Jubbaland