Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Jaamacadda Ummadda iyo Machadka Al Jazeera oo daah-furay laab warbaahineed cusub
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Waxbarashada > Jaamacadda Ummadda iyo Machadka Al Jazeera oo daah-furay laab warbaahineed cusub
Waxbarashada

Jaamacadda Ummadda iyo Machadka Al Jazeera oo daah-furay laab warbaahineed cusub

By Abdulkadir
Last updated: September 21, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga daah-furay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee KM4 “Laabka Warbaahinta ee Al Jazeera”, oo laga hirgeliyey Qeybta Saxaafadda ee Kulliyadda Culuumta Bulshada.

Munaasabadda daah-furka ayaa ahayd mid si ballaaran loo soo agaasimay, iyadoo ay ka soo qayb galeen ,Rektorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed; Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuceymi , Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo Bini’aadamnimada ee jaamacadda , Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow iyo masuuliyiin dowladeed, xubno ka socday maamulka jaamacadda, marti sharaf kale iyo khubaro warbaahineed oo Soomaaliyeed

Laabkan cusub oo ay maalgelisay Dowladda Qatar, gaar ahaan Machadka Al Jazeera Media Institute, ayaa si buuxda loogu qalabeeyey agabka casriga ah ee warbaahinta, waxaana si toos ah loogu bilaabay tababbaro horumarineed oo socon doona muddo toddobaad ah. Tababbarradan waxaa ka faa’iideysan doona ardayda dhigata culuumta saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda iyo kuwa kale ee dalka, si ay u helaan xirfado waafaqsan isbeddellada warbaahinta caalamiga ah.

Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Rektorka Jaamacadda Ummadda, ayaa sheegay in daah-furka laabkan uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay jaamacadda iyo guud ahaan saxaafadda Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in burburkii dalka uu saameyn xooggan ku yeeshay tayada saxaafadda iyo horumarka dhalinyarada, balse dadaallada socda iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah ay dib u dhisi doonaan mihnadda warbaahinta.

“Haddii saxaafaddu hagaagto, waxaa hagaagaya dib-u-soo-kabashada Soomaaliya. Saxafiyiin si wanaagsan u tababaran ayaa kaalin muuqata ka qaadan doona mideynta bulshada iyo ilaalinta garaadka jiilka soo koraya,” ayuu yiri Prof. Dr. Maxamed.

Sidoo kale waxa uu ammaanayProf. Dr. Maxamed,  dadaalka Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo Bini’aadamnimada ee Jaamacadda Ummadda, kaas oo juhdi joogto ah ku bixiyay hirgelinta mashruucan hormuudka ah.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu xusay kaalinta wax-ku-oolka ah ee khubarada Soomaaliyeed, sida Yuusuf Garaad Cumar oo ardayda ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursaddan, iyo khubaro ka socday Machadka Al Jazeera Media Institute oo isla goobta ka furay koorsooyin lagu magacaabo “Hindisaha Warbaahinta Horumarka”.

Laabka cusub ee Al Jazeera ee Jaamacadda Ummadda ayaa noqon doona saldhig muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, lana horumarinayo tayada wacyigelinta bulshada, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo doorka saxaafadda ee ka hortagga wararka been-abuurka ah.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taxanaha Taariikh Tacliinta Soomaaliya (MAQAAL)

HORDHAC Tacliintu Waa nidaamka Waxbarasho ee wadanka Soomaaliya. Sida saxda ah, Wasaaradda Waxbarashada ayaana ka mas’uul ah dhammaan tacliinta iyo…

MaqaalladaWaxbarashada
June 10, 2023

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 3-aad)

Qeybtan 3-aad waxaan uga hadleynaa WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII KACAANKA. Markii Ciidamadu la wareegeen talada dalka sanadkii 1969-kii waxaa isbeddel ku…

MaqaalladaWaxbarashada
June 19, 2023

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BJFS oo kulan la yeeshay Madaxda wasaaradda Waxbarashada XFS

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay madaxda wasaaradda…

GudahaWararkaWaxbarashada
January 31, 2023

Milgo iyo Maamuus Qaran Macallin Baa leh

Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanadguuradii 49-aad ee maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka…

MaqaalladaWaxbarashada
November 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023