Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
GudahaWararkaWaxbarashada

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

By Kanaava Mohamed
Last updated: March 24, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka ay si wada jir ah u taaba gelinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 12- sano ah, sanadkana ay noqon doonto kii 13aad, kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka oo ay sanadkan ku jiraan degmooyin hor leh oo laga xoreeyay khawaarijta, taasi oo noqoneyso muddo kadib in degmooyinka khawaarijta laga xoreeyay ay fursad u heleen in ay ka mid noqdan tartamayaasha sanadkan.

“Sanadkan waxaa tartanka ku tartami doona 15 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka ka mid ah, maadaama Gobolka Banaadir uu ka koobanyahay 17 Degmo, sanadkan labo degmo kala ah Shangaani iyo Shibis ayaa ka dhacday waqtigii isdiiwaangelinta, sidaas ayaana keentay in 15 degmo laga qaato Gobolka Banaadir”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Guddoomiyaha Bangiga IBS mudane Cabdirisaaq Cali Warsame oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay qeyb ka noqdaan sanadkii 3aad oo xiriira taabagelinta tartanka, isagoo guul u rajeeyey ka qeyb galayaasha tartanka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo caawa lagu casuumay furitaanka tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan, isagoo Hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 13aad la qabanayo.

“Sanad waliba waxaa sii kordhaya degmooyinka tartanka ka qeybgalaya, waxaana degmooyinka 30 ka ah u rajeynayaa guul, runtii tartanka waxaa nasiib u yeeshay inay sanadkan ka qeybgalaan degmooyinka dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, waxaana rajeynayaa in kuwa fara ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan khawaarijta laga sifeyn doono”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu intaa ku daray in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo, ayna tusaale u tahay bahda wax qorta oo buugaag ka diyaariyay, kuwaasi oo kala ah Axmed Cali Diiriye iyo Maxamed Makhtar oo kala jooga degmooyinka Guriceel iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa si rasmi ah u daah furay tartanka “Ugu dambeyn Barnaamijka sanadkan waxaan u rajeynayaa, sida uu Agaasime Jeyte sheegay degmadii ku guuleysata waxa ay heleysaa abaal marin, anaguna waan ka qeyb qaadaneynaa dhankeena oo Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaliya kuma fiirsan doono”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 600…

Gudaha
November 28, 2025

Madaxwayne Saciid Dani oo Magacaabay Xubno Ka mid noqonaya Maxkamadda ciidamada ee Puntland

Garoowe-SONNA- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa  magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida…

GudahaWararka
August 30, 2020

Doomo Kalluumeysi oo loogu deeqay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) - Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabishan cunnada iyo beeraha (FAO), ayaa afartan doomood oo ah nuuca Huurida, waxa…

Wararka
February 12, 2020

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Agaasimaha Maamulka Bangiga Adduunka Oo Kulan Ku Yeeshay Geneva

Geneva-(SONNA)- Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van…

Wararka
December 18, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023