Muqdisho(SONNA):-Somaalida ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Marekanka ayaa ku dhawaaqay in ay qabanayaan dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda iyo Dhulka Soomaaliyeed.
Jaaliyadda Soomaaliya ee Gobolka Minnesota oo kulan isugu yimid ayaa sheegay in maalinta Jimca ah ay qaban doonaan dibadbax ballaaran oo ay ku muujin doonaan sida uga soo horjedaan damaca gurracay Itoobiya ee Badda Soomaliya.
Qaar kamid ah Soomaalida Minnesota oo la hadlay Warbaahintaa ayaa sheegay in.ay marna aqabli doonon in taako kamid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya Itoobiya ku soo xadgudubto,dowladana iyo ku garab taaganyihiin go’aanka adag ee ka qaadatay damaca liito ee Itoobiya.
“Waxaan u taaganahnay midnimada iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo sidii aan u muujin lahayn isku duubni soomaali meel walbo oo ay joogto” sidaa waxa jiri mid kamid Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota
Tan iyo horaantii bishaan markii Addis Abba heshiis beenaad ay kuwada saxiideen Ra’iisul wasaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Muusa Biixi waxa isa soo taray sida soomaali meel walba oo ay joogta u muujiyeen in aan lagu soo xadgudbi karin.qarannimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed,