Ankara(SONNA) Sanadihii ugu dambeeyay waxaa sii kordhayay is dhexgalka iyo wadanoolaanshaha bulshooyinka Soomaaliyeed iyo kuwo Turkiga ee wadankaasi kunool,kadib markii ay sii korotay tirada Soomaalida kunool dalkaasi,kuwasi oo halkaasi u tagay qaabab kala gedisan sida waxbarasho iyo bulsho deegaan ahaan u jooga.
Tani ayaa muujinaeysa heerka uu gaarsiisanyahay xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo turkiga,waxaana arrin ay ka dambeysay markii Soomaalidu ay dareemeen taageerada walaaltinimo ee dhabta ah oo Turkigu uu la garabtaagan yahay Soomaaliya,laga soo bilaabo sanadkii 2011,gurmadkii abaaraha Dalka ku dhuftay.
Hadaba dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool ayaa bilaabay in ay dhankoodi muujiyaan dareen dhab ah oo ka tarjumaya wax wada qabsiga labada bulsho,iyadoo taasi laga duulayo ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga qaaday tallaabo si weyn looga hadal hayo dalkaasi, ayna qoreen warbaahinta Turkiga.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa lacag ay iska soo ururisay ku shubtay Sanduuqa Garab-istaaga Turkiga ee Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoฤan ku dhawaaqay, kaasoo dadka Turkiga ay ku ururiyeen kaalmeynta howsha ka hortagga cudurka Covid-19.
Lacagta Soomaalid bixisay dhawaan ayaa dhan 110,000 Turkish Liiraha Turkiga ah, una dhiganta 15,000 Dollar, waxayna Soomaalidu muujiyeen inay yihiin Dad abaalka loo galo gudi kara.
Wareejinta deeqda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda ka socotay Dawladda Turkiga ee magaalada Istanbul, Madaxda Jaaliyadaha Carabta ee ee Turkiga iyo warbaahin badan oo Turkiga laga leeyahay.
Tallaabada Soomaaldu qaaday ayaa si weyn looga soo dhaweeyay dalkaasi, iyadoo lagu bogaadiyey kaalinta ay qaateen oo jaaliyadaha kale aanay weli sameyn.
Inkastoo ay xiran yihiin guud ahaan ganacsiga , isku socodka gawaaridaย ย iyo waxbarashadaย dalka Turkiga, waxaana arintaasi sameyay COVID19ย dowladda Turkey ayaa wada dadaalo ay kula tacaleyso bukaanada uu kudhacay cudur Coronavirus.
Waxana socda dadaalo ay wado dowladdaย Turkiga ee ku aadan in lafuri doono isku socodkaย gadiidka , diyardaha iyo gobaha ganacsiga waxbarashada dalka ,dabayaqaada bisha May hadii ay xaladda dalka Turkiga haatan ka tagaan ay wax iska bedelaan.
Sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga ayaa warbaahinta u xaqiijisay tirada guud ee uu ku dhacay cudurka Coronavirus,
Tirada guud ee uu ku dhacay 139,711 qof
Dhismaha guud 3,841 qof
Bukanada cafimaaday 95,780 qof.
W/Q Wariye Xasan Cumar Baafo