Muqdisho.(SONNA):- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Washington ee dalka Mareykanka ayaa soo dhoweyn ballaaran u sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al Cadaala.
Wasiir Al Cadaala, ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo dadaalka dowlad dhiska, isagoo gaarsiiyay salaan uu uga waday madaxda dalka.