Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Itoobiya oo ku sii socota Bur-Bur (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Itoobiya oo ku sii socota Bur-Bur (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Itoobiya oo ku sii socota Bur-Bur (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 20, 2024
7 Min Read
Share

Afduubyo ka dhacay Gobolada Axmaarada iyo Oromiya ee Itoobiya, waa cinwaanka warbixin lagu qoray Jariirad ay leedahay Waaxda Gaasaandhiga Maraykanka ee ADF, Aynalem ayaa saarney Bas ka soo safray gobolka Axmaarada ee Itoobiya kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa dhammaadkii bishii Agoosto markaasoo gaariga ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan ciidanka xoreynta Oromada (OLA), kuwaasi oo sheeganaya in ay u dagaallamayaan Aayo ka tashiga qowmiyadda Oromada. 21 sano jir wax ka baranayay cilmiga Biomedical Engineering, Aynalem ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay ahaayeen dhalinyaro, ayna wateen qoryaha daran dooriga u dhaca, waxayna fuuleen Baska, waxayna ku amreen inuu saacado socdo, markii ay joogsaday, Caynalem waxa ay ku qasbanaatay in ay wacdo waalidkeed, maadaama ay Afduubayaasha ka dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan 500,000-Bir (qiyaastii $4,400).

Dhowr maalmood oo xanuun badan baa soo maray Inantaasi. “”Waxay nagu seexeyeen Cowska, waxaan heysanay oo kaliya Biyo wasakh ah iyo xabbad Rooti ah,” Aynalem, ayaa u sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse (AFP), iyada oo bilawday inay ooydo. “Waxaan la kulmay waxyaabo naxdin leh. Waa la i faraxumeeyay.” Aynalem hooyadeed waxay sheegtay in qoysku ay ku qasbanaadeen inay “deyn badan galaan” si ay u sii daayaan. Maleeshiyadka ayaa dishay 34-ta qof ee kale ee Rakaabka ahaa ee aan Qoysaskoodu awoodin in ay bixiyaan lacago Madax furasho ah. taasi waxaa ka dambeeyaan xasillooni-darro siyaasadeed iyo colaado is-daba-joog ah, oo ay ku jiraan xiisadaha Qowmiyadaha, Afduubyadu waa walaac isa soo taraya oo ka jira Itoobiya, laakiin waa gaar ahaan gobollada fidsan ee Axmaarada iyo Oromiya, halkaasi oo ay ku fidsan yihiin ciidammada dawladda. Dhanka Axmaarada, Militariga Itoobiya ayaa dagaal kula jira maleeshiyada gobolka Fano in ka badan hal sano. Oromiya – gobolka ku hareeraysan Addis Ababa, caasimadda Qaranka – Militariga ayaa la dagaallamaya OLA.

Ardayda, Shaqaalaha rayidka ah, Beeraleyda iyo Shaqaalaha Warshado kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya Ganacsiyada Ajaaniibta ah, ayaa markii hore ahaa dadkii ugu badnaa ee la bartilmaameedsaday, laakiinse hadda, qof kastaa wuxuu u noqon karaa dhibane, maadaama Afduubku ku fiday meelo cusub sababo kala duwan awgood.

Taliska Addis waxay lumisay awooddii ay ku laheyd qeybo badan oo dalka ah, taasi oo keentay in ammaanku uu faraha ka baxo. Saraakiisha iyo fallaagada ayaa lagu yaqaanaa inay jaraan heshiisyada, iyagoo wiiqaya kalsoonida shacabka. Sida laga soo xigtay The Economist, dhibanayaasha Afduubku waxay si joogto ah ugu eedeeyaan Saraakiisha iyo ciidamada ammaanka inay ku lug leeyihiin, iyaga oo iska indha tiraya dambiyada ama qeyb ka qaataan lacagaha Madax furashada ah. Bixinta Madax furashadana ma dammaanad qaadeyso in dhibbanaha Afduubka ah la badbaadin doono. Dabayaaqadii bishii Agoosto, xubno Maleeshiyaad ah ayaa magaalada Gonder ee Axmaarada ka afduubtay Nolawit Zegeeye oo 2 jir ah.

Shan maalmood ka dib, ayaa meydkeeda laga helay meel deyr ah. Aabaha dhalay ilmahan yar oo darawal ka ahaa shirkad gaar loo leeyahay iyo Hooyada oo ka shaqeysa timo jaraha ayaa bixiyay lacag madax furasho ah oo dhan 200,000 birr ($1,654), sida uu sheegay Wargeyska Addis Standard ee Itoobiya. Dhimashada Gabadha ayaa keentay Mudaaharaad Dadweyne oo dhimasho isu beddelay markii ciidamada ammaanku ay rasaas ku fureen dadka, xilli ay guryahooda ku sii socdeen, sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen Wargeyska. Afar qof ayaa dhintay, oo ay ku jiraan qof dumar ah iyo laba Darawal. Saraakiisha ayaa weerarka u qaabeeyay dadaal lagu doonayo in lagu ilaaliyo nidaamka, laakiin goob joogayaal ayaa ku khilaafay. “Ma jiro Mudaaharaadayaal isku dayay in ay hub ka qabsadaan ciidamada ammaanka ama ay fuliyaan weeraro kale,” goob jooge ayaa u sheegay BBC-da.

Isbeddelka Afduubka ee Itoobiya ayaa billowday Noofambar 2019-kii markii 17 Arday laga afduubay Jaamacadda Dembidollo ee Oromia. Qaylo-dhaan qaran ayaa ka dhalatay daah-furnaan la’aanta dowladda ee Afduubka. Warbixin ay soo saartay Deutsche Welle ee dalka Jarmalka ayaa lagu xusay in la’aanta baaritaanno dhab ah ay inta badan ku adkeyneyso Mas’uuliyiinta inay raad raacaan oo ay wax ka qabtaan aafada socota, inkastoo ay sii kordhayaan walaaca shacabka. Nin ku nool Oromia ayaa bixiyay 100,000 birr oo u dhiganta($827) si uu u soo daayo Walaalkii, kaasi oo lagu afduubay Bas marayey Galbeedka Shewa bishii Juun 2023-kii. “Tani waa masiibo,” Ninku wuxuu u sheegay The Guardian. “Afduub ayaa meel walba ka dhacaya.

Fallaagada waxay ka dhigteen qaab nololeed sababtoo ah waa lacag u sahlan iyaga. ” Isbeddelku ma muujinayo wax calaamado ah oo hoos u dhac ah. Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu qafaashay madax-furasho gudaha Axmaarada iyo Oromiya hal toddobaad gudaheed Bishii June 2024-ka. “Afduubyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo noq-noqda ee gobollada Oromia iyo Axmaarada waxay muujinayaan sida colaadaha daba dheeraaday ay u dhiirrigaliyaan dambiilayaasha ayna u wiiqaan sharciga,” ayuu qoray Safiirka Maraykanka Ervin Massinga Baraha bulshada ee X. Bishii Sebtembar, lix ka mid ah Shaqaalaha Korontada Itoobiya ayaa la Afduubay, iyaga oo ka shaqeynayay mashruuc ku saabsan Tamarta dhulka ee Oromia.

Afduubayaashu waxay dalbadeen 10 milyan ETB (oo u dhiganta ku dhawaad ​​$83,000) si loo sii daayo. “Shirkaddu waxay sameynaysaa intii karaankeeda ah, si loo sii daayo iyagoo nabad ah,” ayuu Afhayeenka Korantada Itoobiya Moges Mekonnen u sheegay Deutsche Well.

Dhinaca kale Dadka Qowmiyadda Tigreega ayaa gabi ahaanba ka dajiyay Calanka Dowladda Federaalka ee Itoobiya dhulka ay ka joogaan, islamarkaana waxay mamnuuceen astaamaha waxaay ku sheegeen wax federaalka ah ama raad ay ku leeyihiin, taasi ayaa la sheegay inay calaamad u tahay inuuu soo socdo bur-burkii dowladdii Itoobiyaanka, waddadana ay ku soo jiraan in Qowmiyad kasta ay gooni istaag damacsan tahay.

By.Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Maareeye oo guddoomiyey kulan ku saabsan horumarinta Beeraha

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye shir gudoomiyay Kulanka Isku-xirka ee Wasaaradda Beeraha…

GudahaWararka
December 10, 2024

Madaxweynaha JFS oo casho sharaf u sameeyay Aqoonyahannada ka qaybgalay Shirweynaha 15aad ee Daraasaadka 

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay…

GudahaWararka
December 19, 2024

Wasiirka Cadaaladda oo furay kulanka Xeerarka Cadaaladda iyo Garsoorka

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay kulanka wadatashiga ee labada xeer ee…

GudahaWararka
October 29, 2025

Galmudug oo qalab Kalluumaysi siisay Kalluumaysatada xeebaha Hobyo

Hobyo (SONNA)- Wasaaradda Dekaddaha, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug oo garab ka helaysa Hay’adda FOA ayaa maanta qalab kallumaysi u…

GudahaWararka
February 18, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023