Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Istaraatiijiyadda Isku xirka warbaahinta dalka oo Muqdisho lagu saxiixay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Istaraatiijiyadda Isku xirka warbaahinta dalka oo Muqdisho lagu saxiixay
GudahaSiyaasaddaWararka

Istaraatiijiyadda Isku xirka warbaahinta dalka oo Muqdisho lagu saxiixay

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 21, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS, wasiirada warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo Agaasinka warfaafinta gobolka Banaadir, ayaa maanta saxiixay Istaraatiijiyadda Isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, kadib markii maanta loo bandhigay bulshada iyo deeqbixiyayaasha caalamka shir ku qabsoomay Hoolka Hanger-ka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.  Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo ugu joreyn soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa sheegay in Wadatashiga Istaraatijiyaddani in uu soo socday tan iyo bishii May hannaankeeduna ahaa mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, gobolka Banaadir iyo Bulshada rayidka ah.

Wasaaradda ayaa ka qeyb galayaasha u bandhiga ahmiyadda Istaraatiijiyadda, meelaha hortabinta leh, iyobyoolalka ay hiigsanayso.  Wakiilo socday Qaramada, safiirada dowladaha Maraykanka, China, Norway, Kenya,Talyaaniga, UK,  diblomaasiyiin iyo ergo ka socotay ururada dowliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah oo hadal jeediyay soo bandhigga Istaraatiijiyadda kadib, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaa in Soomaaliya ay yeelato Istaraatiijiyad qaran oo lagu hagi doono isku xirka xiriirka warbaahinta dalka ee lagu hagi doono howlaha warbaahinta dowladda shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in Istaraatiijiyadda warbaahinta dalku ay soo martay marxalado wadatashi iyo talo-wadaag oo muddo socday, ugu dambeynta ay wasiirada warfaafinta dalku isku raaceen ansixinteeda ayna isku waafaqeen in si wadajir ah ay u fuliyaan si loo mideeyo fariimaha dowladda ee heer federaal, dowlag goboleed iyo gobolka Banaadir.

Wixii maanta ka dambeeyay ay fulinteeda si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.  Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo Agaasinka Warfaafinta ee gobolka Banaadir, ayaa si wadajir ah u saxiixay Istaraatiijiyadda, iyagoo mid mid uga hadlay goobtana waxay mid mid u muujiyeen sida ay uga go’an tahay meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan doonaan meelmarinta Istaraatiijiyadda iyo howlaha ka dhiman fulinteeda.

Hawlahaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta mas’uuliyadda shaqo ee Xafiiska Isku-xirka xiriirka dowladda iyo diyaarinta howlaha shaqo ee labada sano iyo barka soo socda, markaas oo dib u eegis iyo horumarin lagu sameyn doono si labada sano iyo barka dhinac la horumariyo si loo meelmariyo casharadii laga bartay labada sano iyo barkii hore ee xafiisku shaqeeyay.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Federalka ah, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo ugu dambeyntii soo xiray shirka, isla markaana mid mid ula kulmay wakiiladii safaaradaha, deeqbixiyayaasha caalamiga iyo hey’adaha adeeg fuliyayaasha ee la shaqeeya deeqbixiyayaa qaar ka mid ah shirka ku sugnaa, ayaa wuxuu ugu baaqay safaaradahan iyo hey’adahan in ay wasiirada warfaafinta dalka kala shaqeeyaan fulinta Istaraatiijiyadan qaran.

Wasiir Daa’uud Aweys, ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiirada Warfaafinta ee heer dowlad goboleed iyo gobolka banaadir in ay ka dhabeeyaan ballanqaadkooda, ayna kala shaqeeyaan Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed in wasaaradaha warfaafinta dalku sidii ay u hogaamin lahaayeen howlaha warbaahinta iyo isku-xirka xiriirka howladaha warbaahineed ee dalka.

Wasiirka Da’uud Aweys Jaamac ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dhamaan howl-wadeenada kaalinta ka qaatay diyaarinta Istaraatiijiyadda isku-xirka xiriirka warbaahinta dalka, deeqbixiyayaashii soo xaadiray, wasiiradii ansixiyay iyo dhamaan ka qeybgalayaasha shirka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bixitaaanka ATMIS kadib (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ka badan 135 ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ay ku…

GudahaMaqaallada
August 14, 2024

Golaha Shacbiga Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan muhiim ah

Muqdishu-(SONNA)- Xildhibaannada Golaha Shacbiga Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah kuna beegan 16ka November ku yeeshaan Kulankooda caadiga ahaa Xarunta…

GudahaWararka
November 16, 2020

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya iyo Madaxweynaha Rwanda oo ka wada hadlay xaaladda gobolka Tigreega

Kigali-(SONNA)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonne, ayaa saakay maagalada Kigali ee xarunta Rwanda kula kulmay…

CaalamkaWararka
November 18, 2020

Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-S/Guuto Ibraahim Shiikh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka CXD, waxa uu ku dhashay Muqdisho Sanadka Markuu ahaa 1960-kii. Waxbarasadiisa Hoose iyo Dhexe…

GudahaWararka
June 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023