Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Isdiiwaangalinta doorashooyinka oo ka bilowday Banaadir (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Isdiiwaangalinta doorashooyinka oo ka bilowday Banaadir (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Isdiiwaangalinta doorashooyinka oo ka bilowday Banaadir (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 16, 2025
6 Min Read
Share

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta hirgalinta doorasho dadweyne oo Soomaaliya ugu dambeysay 58 sanno ka hor, taasi oo uu ku soo baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake oo la dilay sanadkii 15-kii bishii Oktoober sanadkii 1969-kii.

Tan iyo xornimadii Soomaaliya waxaa soo maray 9 Madaxweyne iyo 10 doorasho madaxweyne, waxaa doorasho dadweyne ku soo baxday laba madaxweyne, kuwaasi oo kala ah AUN Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ahaa labadii Madaxweyne ee ugu horreeyey Soomaaliya. Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ka suuragashay in hoggaanka dalka uu ku yimaado doorasho ay dooranayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo dooranayeen Odayaal dhaqameed.

Siyaasiyiin iyo dhallinyaro han siyaasadeed lahaa ayaa ku hungoobay qaabka doorasho ee dalka ka soo jirtay, kuwaasi oo xooggii, fursaddii, iyo aragtii u hayeen in ay uga soo muuqdaan xilalka ugu sarreeya dalka ay dhaafisay doorashada dadban, taasi oo dhaliil ay ka keeneen bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ahayn wax sahlan 58 sanno ka dib dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod, isaga oo xusay in muwaadinka Soomaaliyeed ay lama huraan u tahay in uu gacantiisa ku ciil baxo, uuna doorta qofka uu doonaya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in la joogo xilligii laga gudbi lahaa doorashada dadban, taasi oo hadda ifafaaladayda ay muuqato. Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirrada ayaa soo jeediyey in ay laga gudbo doorashadii dadbaneed, oo badankood sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen, qaarkoodna ay xuseen in damacooda ay hor istaagayn Oday dhaqameed.

Hirgalinta doorasho qof iyo cod ah ayaa Soomaaliya u furi doonta baal cusub, waxa ayna soo xiri doonta Baalasha ay ku xardhanaayeen; Nin jeclaysiga, musuqmaasuqa, boobka kuraasta Xildhibaannada, iyo qilaafka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Madaxda.

Haddaba Diiwaan gelinta Dadweynaha oo ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan degmada Shangaani ay si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, waxayna safaf dhaa-dheer u galeen sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen, xittaa Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa waayeello ah ayaa qayb ka ahaa dadweynaha qaatay kaarka isdiiwaangalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah maalinteeda koowaad ka bilaabatay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani waxaa shalay ka billowday diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaasi oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo bisha June, iyadoo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ay iska diiwaangeliyeen degmada Shangaani iyagoo qaatay kaarka codbiyaha.

Gudoomiyaha Guddiga Dorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa goobta diiwaan-galinta degmada shangaani kula hadlay shacabka degmada Shangaani oo safaf ugu jira qaadashada kaarka Codbixinta, isagoo dadka Soomaaliyeed ku booriyay in ay isdiiwaan-geliyaan, si codkooda ugu ciil baxaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ฆ๐ข๐ข๐ซ ayaa shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay isdiiwaan-geliyaan, si ay codkooda ugu ciil baxaan, goโ€™aanna ugu gaaraan cida ay hogaanka u dhiiban lahaayeen.

Ciidamada Boliiska ayaa Door muhiim ah ka qaadanayay sugidda Amniga Muwaadiinta isu diiwaangelinaya Doorashada Golayaasha Deegaanka oo ka bilaabatay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir, iyadoo Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin laheyd, taasi oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyey in loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaar ahaan degmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka howl-galka doorashooyinka Mudane Maxamed Aamiin Xasan Cabdullahi oo isna shalay ka hadlay munaasabadda ololaha Qaran ee diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha ayaa sheegay in dagmada Shangaani loo xushay in ay ka billaabato diiwaan-galinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir, isagoo reer Shangaani ugu baaqay in ay soo baxaan oo ay is diiwaan-galiyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in ay tallaabadani meesha ka saarayso sheekadii ayad dalka doorasho kama dhici karto. โ€œDiiwaan gelintan shalay billaabatay waxay meesha ka saaraysaa dalka doorasho kama dhici karto.โ€

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir oo ay ka socoto Diiwaangelinta Doorashada Dadweynaha ka qaatay kaarka Codbixiyaha oo muwaadinka xaq u siinaya in codkiisa uu ku doorto qofka uu rabo, iyadoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin oo goobta Diiwaangelinta ka socoto ku gudoonsiiyey Taliyaha Kaarkiisa Codbixinta.

Diiwaangelinta dadweynaha ka qaybgalaya Doorashada Qof iyo Codka ah ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ayaa shalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho. Ciidamada Boliiska ayaa Door muhiim ah ka qaadanaya sugidda Amniga Muwaadiinta isu diiwaangelinaya Doorashada Golayaasha Deegaanka oo ka bilaabatay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir.

By. C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahmed Moallim Fiqi oo booqday taliska ciidanka Gorgor ee degmada Xarardheere

Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo socdaal shaqo kujooga degmada Xarardheere ee gobolka…

GudahaWararka
August 31, 2023

Ciidanka Xoogga oo howlgallo nabad-sugid ah ka fuliyay Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana…

Gudaha
August 15, 2025

Wasiirka Shaqada oo faah faahin ka bixiyay heshiis shaqa abuur oo dowladda la gashay Sacuudiga

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan,oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay heshiis…

GudahaWararka
January 20, 2025

Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa kulan fikir iswedaarsi ah la yeelatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA)-Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa kulan fikir iswedaarsi iyo qado sharaf ah la qaadatay qaar…

GudahaWararka
June 4, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023