Dowladda Soomaaliya muddadii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Argagixisadda ah, iyadoo in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo isugu jira Degmooyin, magaalooyin iyo Deegaanno looga xoreeyey khawaarijta, waxaa kaloo ka mid ah waxqabdka dowladda waxay tayeysay ciidamada qalabka sida, islamarkaana kobcisay dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka, taasoo ay Soomaaliya ka qeybgashay shirarka ka dhaca fagaarayaasha caalamka, waxayna dowladdu ku Soomaaliya guuleysatay in loo doorto Kursiga xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ay ku fariisan doonto sanadka 2025-ka.
Guulaha waa weyn ee xukuumadda dan qaran ay xaqiijisay waxaa kamid ah:
- Dagaalka khawaarijta oo horumar weyn laga sameeyay, iyada oo cadowga laga xorreeyay magaalooyin iyo degmooyin ay sanaddo ka talinayeen.
- Soomaaliya oo deynta laga cafiyay kadib markii laga soo baxay sharuudihii ku xirnaa.
- Ku biirista suuqa dhaqaalaha ee Barriga Afrika
- Soomaaliya oo laga qaaday cunaqateynya hubka kadib markii lagu guuleystay in la dhameystiro hannaankii ku xirnaa.
- Iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii bishii Juun u magacaabay Raโiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi, wuxuuna maalmo kadib soo dhisay xukuumaddiisa oo ugu magaca daray Xukuumadda Danqaran, taasi oo ay Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigtay Barnaamijka Xukuumadda Dan-qaran oo ka kooban lix tiir, kuwaasi oo kala ahaa:-
- Tiirka dib u xorreynta iyo sugidda Amniga
- Tiirka Caddaallada iyo Garsoorka
- Tiirka Soomaali Heshiis ah
- Tiirka isku filnaasho dhaqaale
- Tiirka horumarinta Arrimaha Bulshadda
- Tiirka Soomaali heshiis la ah dunidda
Marka waxaan dhihi karnaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kama qaldamin inuu Raโiisul wasaare waddanka uga dhigay mudane Xamze Cabdi Barre, waxayna aheyd xulushadii ugu habooneyd ee Masuul ku magacaabo.
Dowladda Soomaaliya mudaddii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waaweyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah, tayeynta ciidamada qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka, iyadoo taasi jirto ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu mid mid u kormeeray bandhigga Waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay, kaas oo dhawaan lagu soo bandhigayo Munaasabad ka socota magaalada Muqdisho, waxaana Dhammaan Hayโadaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigeen muddada labada sano aheyd waxii u qabsoomay, kuwaasi oo bulshada kala hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dadka Soomaaliyeed faah-faahin dheer ka siiyay waxqabadkooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr: xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay sanadaha soo socda waxa u qorsheysay โLabada sano ee soo socota way ka duwabnaan doonta lbdii sano ee la soo dhafay Ilaahey idinkiis, labada sno maahee sanadka soo socda waa ka duwan yahay waa hubaa maalinteeda marka la gaaro mashaeiic waweyn la sheego oo la soo bandhiggo Dad badan yaa dhihi doono โbeen waaye waxan maa la gaari karaa, waa beenta Soomaalida iyo faan waaye, laakiin dadka been looma sheego,mana loo ballan qaado, wixii aan ballan qaadno waa inay fulaan, mashaariic ย aad u waaweyn oo Dadka Soomaaliyeedna noloshooda wax ka bedeli doona, Soomaalidana maanta meesha ay joogto wax ka bedeli doonto ayaa soo socda Ilaah Idinkiis, maalin aan dheerey ayaa la soo bandhigi doonaa, waana la sheegi doonaaโ .
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aad hadalkaasi u soo dhaweeyay, waxayna xuseen in sida sheegay Madaxweyne Xasan inuu yahay Masuul laga filan karo waxa uu sheegay, waayo ayay yiraahdeen โmarkii uu xlka qabanayay waxa uu ballan qaaday 5 qodob, kuwasi oo inta badan ay ku fuleen muddo laba sano ah, inta dhimmanna uu dhameystiri doono, waana ku rajo weynahay inay mashaariicdaasi iman doonaan, iyagoo intaasi raaciyay oo yiri:- โintee baynu sugeynay waqbadka ilaa heerkaasi oo kale ah, marka ku soco mudane Madaxweyne Qabyo tirkaaga, Dalkaan waxa uu u baahan yahay Hoggaamiye sidaada oo kale ah โ.
Waa wax loo baahnaay in dadka la baro in dalka Soomaaliya ay ka jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuulna ka tahay ilaalinta Madax Banaanida, sharafta, Cirdiga iyo wixii la halmaala. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kaalinta 1-aad kaga jira kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka 24-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo madaxdii soo maray dalka. Ma ahan raโyi ee xogta hayโadaha caalamiga ee dhaqaalaha ayaa ka marqaati kacaya.
Heerka shaqo la’aanta ayaa hoos u dhacay 0.7% intii u dhaxeysay 2012-kii iyo 2017-kii, taasoo keentay shaqo abuur gaaraya 105,000. Shaqo la’aanta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay 2021kii, laakiin waxay hoos u dhacday 0.6% sannadkii 2023-kii, taasoo keentay in 90,000 oo muwaadin ay shaqo helaan (World Bank), waxaana intaa dheer, in dhaqaalaha guud ee dalka (GDP) uu kor u kacay, maanta waa 4.2%, halka uu ahaa 2.4% sannadkii 2022-kii.
Dhaqaaluhu inuu kobco, shaqo la helo, dalku horumaro, Soomaaliya Barwaaqo ah la gaaro waxaa ku hor gudban cadowga 1-aad ee qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay oo ah Khawaarijta ku naaxay daadinta dhiiga dadka masaakiinta ah iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.
MUHIIMADA 1-AAD EE DOWLADA:- Muhiimada 1-aad ee Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa in dalka laga ciribtiro Argagixisada Al-Shabaab. Waxaana yoolkaas laga gaaray guulo waaweyn oo 800 km looga xoreeyay argagixisada. Todobaatan sano jir asaga oo ah ayuu tuute ciidan u xirtay, 70% waqtigiisana waxa uu ku bixyaa sidii loo gaari lahaa Soomaaliya ka madaxbanaan argagixiso.
By. C/lahi Ruush