Muqdisho:-SONNA-Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab oo ay wehliyaan ciidanka darwaashiita maamul goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaannada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose ku dilay tiro maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta.
Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab dheeg Axmed ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in 13 ka mid ah Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Aruuriyow Maxamed Cumar oo magaciisa Afgarashada yahay Axmed Sahal oo lagu dilay howlgalkaan.