Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 31, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)–Todobaakii la soo dhaafay waxaa Dowladda Soomaaliyed iyo Shacbigeedaba u qabsoomay waxyaabo badan oo kor u qaadaya masiirka Umadda Soomaaliyed, hagaajinaya Heykalka Dowladnimo, waxaana ka mid ahaa Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaaladda Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023-ka, laga soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxaana Shirkaan soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaa kaloo jira midka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, (EAC) oo ay xaruntiisu tahay Tansaaniya ayaa la sameeyay sanaddii 2,000, waxaana qeyb ka ah waddamada Tansaaniya, Yugaandha, Kenya, Ruwandha, Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga Congo (DRC), waxaana la filayaa inay siddeed ku noqoto dhowaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isagana ka socda.

Wafdigan oo muqdisho ku sugnaan doona muddo tobban cisho ayaa la kulmi doona madaxda Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee hey’addaha dowladda si ay u hubiyaan in Dowladda Soomaliya la jaanjaadi karto xubnaha Ururkan, kaasi oo ah qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan wafuudda shirkaas uga qeyb geleysa 7-da wadan ee Ururka oo gaareysa 50 xubnood, iyo waxaa kaloo jira in Soomaaliya ay guuli u soo hoyatay kadib markii Hawda Soomaaliya la gaarsiiyay darjada A.

Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya, taasoo hadda la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii hore ku soo shaqeyn jirtay heerka Class G, kaasi oo ah meesha ugu hooseeysay habka darajooyinka lagu qiimeeyo hagidda Diyaaradaha hawada mara, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada,taasoo ugu dambeysay markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaana xilligaas loo wareejiyay magaaladan Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana howsha la soo wareegidda bilaabay Dowladdii uu markaasi Madaxweynaha ka ahaa Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee muddo xileedkeedii hore, soo dhameystirideedina isaga ayaa leh.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo shalay ka qeyb-gashay munaasabad loogu dabaaldegay guusha ay Soomaaliya ka gaartay heer qiimeynta maamulka hawada dalka,  waxaa kaloo munaasabadaasi ka qeybgalay Xildhibaanno, Masuuliyiinta Shirkada diyaaradaha iyo masuulyiin kale, waxaana halkaasi ka hadlay Wasiirka iyadoo sheegtay in dhawaan howlgali doonto Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliyeed ee loo yaqaan Soomaali Airlines.

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay darajada ay gaartay hawada Soomaaliya, sidoo kale waxa ay u mahadcelisay hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay 30 sanno kaddib in uu dalku la soo wareego maamulka Hawada, iyadoo hadalkiisa sii wadata  ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay, soona dhaweynayso in hawada Soomaaliya maanta loo aqoonsado mid buuxisay sharuudaha inay gaarto heerka ugu sareeya ee qiimeyn caalamiga ah.

Maareeyaha hey’adda duulista rayidka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay ku guuleysatay inay gaarto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka, taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada ay meeshii ugu sareysay ay noqotay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, waxaana ku guuleysanay inaan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka, bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed, waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay.” Ayuu yir maareeye Axmed Macalin Xasan.

Maareeyaha ayaa sheegay in muddo sanad ah ay ku qaadatay dowladda Soomaaliya in hawada Soomaaliya la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee qiimeynta (heerka A), kadib markii dowladdU la soo wareegtay hawada, taasi waxay ka dhigan tahay inaan bixinay dadaal dheeri ah oo aan maanta ku muteysanay qiimeyntaan sare.

Soomaaliya marka ay howshaan la wareegidda u bilaabato waxaa koraya masuuliyad weyn oo dhinaca Diyaaradaha Hawada sare mara, waxaana kordhaya tirada maritaanada Duulimaadyada, islamarkaana waxaa hordhaya dhaqaalaha ay ka helayso Soomaalida, waa guul wax badan lagu taamayay, lana doonayo in lagu fara adeego, waxaa la yiraahdaa Hawasda Soomaaliya waa midda labaad ee ugu dheer uguna ballaaran Qaaradda Afrika, waana waxybaha loogu doortay inay hesho Darajada (A), waxayna noo leedahay faa’ido weyn, islamarkaana ay shaqeyn doonaan lacag ka badan tii ay horay u soo saari jireen, waxa kaloo jira in arintani ay muhiim u tahay badqabka diyaaradaha isla-markaana ay haatan diyaarado caalami ah ku soo dhiiran doonaan Soomaaliya.

Maamulka Hawo-maridda Dal ee heerka A, waxaa lagu maamulaa Hawada ka sarreysa qiyaastii 24,500 feet oo u dhiganta (7,467 mitir), waxaana la siiyaa duulimaadyada oo dhan amarada marista hawada iyo kala hagistooda, iyadoo Hey’adda IATA ay sheegtay in tallaabadani ay si weyn u wanaajin doonto ammaanka Gobolka, ayna kor u qaadi doonto waxtarka Duulimaadyada, waxaana laga maamulayay Hawda Soomaaliya magaalada Nairoobi ee Dalka Kenya intii u dhaxeysa 1992-2018, waxaana hawada Soomaaliya isticmaala 24-kii saacba diyaarado gaaraya 400 caalami ah, balse hadda waxay kordheysaa waxayna gaari doontaa ilaa iyo 600 duulimaad maalintiiba.

Dowladda Soomaaliya markii ay la so wareeysay maamulida hawada, waxay ahayd heerka ugun hooseysay ee dhanka qiimeynta, waxaana ay kaga dhigan tahay guushaani in Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay inay maamulato hawadeeda, cilmi iyo khibrad ku filana way heysata, waana fursad dahabi ah ee soo martay Soomaaliya, waxaase loo baahan yahay in la xajiyo guushaasi, maadama ay tahay tijaabo muddo Lix bilood ah, mar walbana lala socdo tayada qalabka iyo Hagayaasha intaba, oo mar walba lagu dadaalo la jaanqaadidda dunida oo mar walba sii casriyoobaysa.

Qallinka C/laahi Ruush

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka ammaanka oo fashiliyey naftii halige isku soo xiray Qarax

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob maqaaxi ah oo…

GudahaWararka
November 3, 2023

Saraakiil loo soo xiray tababar ku saabsan Isgaarsiinta

Muqdisho (SONNA) - Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka iyo Booliiska ayaa maanta loo soo xiray tababar soconayay…

Wararka
September 26, 2024

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah…

GudahaWararka
August 4, 2025

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogasho ku fulisay askari ka tirsan Ciidanka

Muqdiaho(SONNA):-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo horay xarardheere dil ugu…

GudahaWararka
September 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023