Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Horudhac: Somalia vs Eritrea… (Xulkeenna qaranka oo galabta ciyaaraya kulan guul ama geeri ah)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Horudhac: Somalia vs Eritrea… (Xulkeenna qaranka oo galabta ciyaaraya kulan guul ama geeri ah)
CiyaarahaGudaha

Horudhac: Somalia vs Eritrea… (Xulkeenna qaranka oo galabta ciyaaraya kulan guul ama geeri ah)

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 21, 2020
3 Min Read
Share

Lugogo(SONNA)-Xulkeenna qarka Soomaaliya ayaa ciyaari doona kulankoodii ugu dambeeyay ee heerka guruup-yada, iyagoo la dheeli doona xulka Eritrea, kulan qeyb ka ah tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Senior Challenge Cup.

Kulan ciyaareedkan ayaa ah mid aad u xiiso badan xulka qaranka Soomaaliya oo doonaya inuu u soo baxo wareegga xiga ee tartanka, halka Eritrea ay iyaguna doonayaan inay u soo gudbaan wareegga afar dhammaadka ama Semi-finalka tartanka.

Xulka qaranka Soomaaliya kulankii ugu dambeeyay waxa uu 1-0 ugu soo adkaaday xulka Burundi, halka Eritrea ay soo kala direen xulka Jabuuti, ciyaar ku dhammaatay 3-0.

Labadan Xul ayaa kuwada jira Guruup-ka A, waxaana ku wehliya xulalka kala ah; Jabuuti, Burundi iyo Uganda, waxaana Guruup-kan hoggaanka u haya xulka martigelinaya tartanka sanadkan ee Uganda oo leh 9-dhibcood, sidoo kale xulka Eritrea ayaa leh 6-dhibcood kuna jira kaalinta labaad, halka wiilasheenna Ocean Stars ay leeyihiin 4-dhibcood, waxayna ku taamayaan inay kala diraan xulka Eritrea si ay u xaqiijiyan u soo bixitaanka wareegga afar dhammaadka tartankan markoodii ugu horreysay taariikhda, inkastoo ay isha ku hayn doonaan xulka Jabuuti oo ay dhibcaha wadaagan.

Xulkeenna Soomaaliya waxaa qasab ku ah inay guul ka gaaraan Eritrea si ay ugu soo baxdo wareegga xiga, sidoo kalena Jabuuti ay ku hor kufto xulka Uganda, taasi waxa ay fursad wayn u tahay xulkeenna qaranka Soomaaliya oo markaas u soo bixi doona wareegga xiga ee tartanka bariga iyo bartamaha Afrika.

Sidoo kale, waxaa taagan sheeko kale haddii Soomaaliya ay 1-0 uga badiso Eritrea, balse ay Jabuuti dhiggeeda Uganda uga badiso 3-0, xulka qaranka Soomaaliya waa uu harayaa markaas, waxaana uu ku harayaa farqiga goolasha waaba haddii ay dhacdo.

Labadan xul ee Soomaaliya iyo Eritrea waxay hore isku soo arkeen labo kulan mid ka mid ah barobaro 0-0 ayey ku kala tageen, halka kulanka kale uu adkaaday xulka Eritrea, wuxuuna ku awood sheegtay 3-1, labadan kulan ayaa dhacay Sanadihii 2001 iyo 2009, midkaan galabta ayaana noqon doona midkii saddexaad oo labadaan kooxood dhex mara.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Senior Challenge Cup

Taariikhda: Axad, 15 Dis 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 1:30 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Xulalka: Somalia vs Eritrea

Garoonka: KCCA Startimes

Naatiijada kulankan iyo wax waliba oo ku saabsan ciyaarta ay dheelayaan wiilasha waddankeenna Soomaaliya waan idiin soo gudbin doonnaa hadduu Eebbe idmo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka ganacsiga Turkiga iyo Afrika +Sawirro

Istambul-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha JFS, Eng; Khaliif Cabdi Cumar ayaa magaalada Istambul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay madasha…

GudahaWararka
October 21, 2021

Ra’iisul wasaaraha XFS oo dalka dib ugu soo laabtay

SONNA (MUQDISHO) Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo…

GudahaWararka
May 16, 2021

Booliska oo qabtay konteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta qabtay koonteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya oo loosoo ekeysiiyay dawo. Afhayeenka Booliska Soomaaliya…

GudahaWararka
October 16, 2025

Ciidanka xoogga dalka oo bulshada Shabeelaha dhexe ka wacyi gelinaya fikirka Khawaarijta

Marka (SONNA): Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha ururka 143-aad guutada 14 October ee xoogga dalka ayaa deegaanka Sabiid, Canoole…

GudahaWararka
December 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023