Muqdisho(SONNA) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka Mareyka ee AFRICOM duqeyn cirka ah ku qaadeen mintidiinta Alshabaab ee Jilib ee Soomaaliya.
Weerarkan oo habeysnaa ayaa lagu dilay mid ka mid ah mintidiinta Alshabaab
DowladdaFederaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykan ee AFRICOM ayaa qaadaya taxadar dheeri ah oo lagu ilaalinayo waxyeello soogaarta shacabka inta lagu jiro la dagaalanka kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab, iyada oo si buuxda loo baarayo eed walba oo soo baxda. Ilaa hadda ma jirto cid shacab ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.
Duqeyntan ayaa ah mid garab lagu siinayo dadaalada ay waddo DFS ee ay uga takhalusayso gaboodfallada Alshabaab islamarkaana loo-gogolxaarayo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaaliyeed
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xoogga Dalka, Danab iyo jaalkooda Dowladda Mareyka ayay ka goโantahay la dagaalanka argagaxisada Alshabaab iyada oo aan loo aabayeelayn lab iyo dheddig, si loo baajiyo dhimashada dadka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruurta ku nool Soomaaiya iyo dalalka deriska la ah. Dadaalada aanw adno ee aan ku badbaadinayno shacabka ayaa aad uga duwan weerarrada aan loomeeldayin ee Alshaab ku qaadaan goobaha shacabka ku badanyahay ee Soomaaliya.
Duqeyntan lala tiigsaday xuddunta Alshabaab ayaa tusaale u ah in aysan Alshaab meelna ku baxsan karin. DFS iyo bahwadaagteeda Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa soo afjaraya kuwa argagaxinta iyo dibindaabyada ku haya dadka Soomaaliyeed.