Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

By Kulane
Last updated: November 22, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA….1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Macallinka oo ku began 21-ka November.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ka qeybgaley xaflad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage.

6-Ra’iisul Wasaare   Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay  Axmed Maxamuud Muxumed  inuu noqdo Ku-Xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale ku celiyay muhimadda in siyaasiyiinta ay aqbalaan doorshado qof iyo cod ah si  shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo xuquuqdooda iyo awoodda dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu saxiixay dhammaan heshiisyada dalka loogu jihaynayo doorashada qof iyo codka, ayna wax laga xumaado tahay inuu ka baxo heshiisyadaasi uu hore u aqbaley.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu xusayey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku began 21-ka November.

11-Golaha Wasiirrada oo ansixiyay magacaabista Agaasimaha cusub ee Hay’adda Istaastiikada Qaranka Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

12-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah ayaa magaadala Nairobi kaga qeybgaley shirka madaxda Baarlamnaka Ururka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi.

13-Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciyada dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ee dalka.

4-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Col. Yuusuf Xasan Faarax (Yuusuf Dheeg) ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

15-Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira.

16-Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa u soo xiray tababar diblomaasiyadeed iyo mid dhanka hab maamuuska oo loogu talagalay safiirrada cusub ee dhowaan la magacaabay.

17-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa kala saxiixday heshiis Denmark ay deymaha uga cafineyso Soomaaliya.

18-Wasiiru Dowlaha Gaadiidka & Duulista Hawada Md. Cabdikariim Cabdow Xeydar ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socdya Hay’adda Duulista Caalamka ee ICAO.

19-Wasiirka Hawlaha Guud Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira horumarinta biyo-mareenada magaaladda Baydhabo.

20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Ahmed Moalim Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Norway ee Soomaaliya, Mr. Einar Rystad.

21-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda u yeertay Safiirka Danmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen kadib markii uu Hargeysa ka jeeidyay hadalo wax u dhimaya midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

22-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay haddii uu   dhameystirmo dastuurka ka dhigan tahay in shacabka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod xaq u yeelan doonaan.

23-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan l qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

24-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabe ka tirsan Khawaariijta oo u qaabilsanaa hubinta badqabka gaadiidka ay Khawaariijta u adeegsadaan qaraxyada.

25-Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Shiinaha Danjire Hodan Cusmaan Cabdi ayaa nuqulka warqadaha aqoonsiga guddoonsiisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Xubno ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen degaanka Goofgaduud Shabeeleey oo katirsan…

GudahaWararka
August 15, 2021

Baarlamaanka labada Aqal oo ka doodaya cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah

Muqdisho-(SONNA)-Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wehliyaan ku-xigeennada labada aqal ayaa shir…

GudahaWararka
March 19, 2024

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo Muqdisho ku qabatay wadatashi ku aadan la dagaalanka xagjirka

Muqdisho (SONNA) Shirweynaha wadatashiga wasaaradda Awqaafta iiyoarrimaha Diinta JFS iyo wasaaradaha Awqaafta iyo arrimasha Diinta Dowlad Goboleedyada dalkla oo Maanta…

GudahaWararka
February 21, 2024

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS oo qaabilay safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha…

GudahaWararka
November 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023