Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo loo xiray tuhun iyo cabsi dhexdooda ah (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo loo xiray tuhun iyo cabsi dhexdooda ah (Warbixin).
Maqaallada

Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo loo xiray tuhun iyo cabsi dhexdooda ah (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 22, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay sii xoogeysteen howlgallada gaarka ah deegaannada ay ku sugan yihiin,islamarkaanna ifka looga qariyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad dhowr ah oo gudaha Khawaarijta saameyn ku lahaa ayaa waxaa sii xoogeystay cabsida iyo kala shakiga soo kala dhex galay horjoogayaasha dhexdooda, taas oo ka dhalatay howlgallada gaarka ah.

Horjoogayaasha awoodda leh ee Al-shabaab oo tuhmaya in howlgallada gaarka ah lagu beegsanayo ay ku lug leeyihiin, xogahoodana ay gudbiyeen horjoogayaal dhexe iyo kuwo hoose oo maleeshiyada Al-shabaab daacad u ahaa ayaa saacadihii la soo dhaafay ku xir xiray deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Jubbooyinka ,Shabeellaha Dhexe, Baay iyo Bakool horjoogayaal iyo maleeshiyaad kooxda gudaheeda ka tirsanaa oo ay tuhmeen in xogahooda ay bixiyeen.

Magaalooyinka horjoogayaasha lagu xir xiray waxaa ka mid ah Bu’aale,Saakow,Buur Fuulaay, Kuunya Barow iyo Ceelbuur.

Waxaa magaalooyinkaas horjoogayaasha lagu xir xiray oo dhammaantood deegaannadaas lagu xiray aan ka soo jeedin kana soo jeedo deegaanno kale loo aaneeyay in ay mas’uul ka yihiin hagidda howlgallada gaarka ah.

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxaa lagu xiray horjoogayaal dhexe iyo kuwo hoose oo aan gobolka Galgaduud ka soo jeedin, waxaanna amarka lagu xiray lahaa horjoogayaal ka soo jeeda degmada Ceelbuur.

Deegaannada kale iyo degmooyinka kala ah Bu’aale, Saakow iyo Buula Fulaay waxaa kagu xir xiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay iyagu bixiyeen xogaha hagay howlgallada gaarka ah ee ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaas oo lagu naafeeyay Khwaarijta Al-shabaab.

Howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta oo maalmihii dambeeyay soo xoogeystay ayaa sababay in may horjoogayaasha iyo maleeshiyada Al-shabaab ku dhuumaaleystaan dhulalka howdka ah, kuwaas oo horjoogayaasha iyo maleeshiyada qaar ku qasbay in ay bixiyaan xogaha Khawaarijta si ay iyagu u badbaadaan.

Sidoo kale, horjoogayaasha Al-shabaab ayaa bilaabay in ay ka aag-beddeshaan deegaannada muddooyinkii la soo dhaafay ay joogeen, waxaanna ka mid ah deegaanno dhaca Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Kunji oo dhaca inta u dhaxeyso deegaannada Mubaarak iyo Jannaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgallada gaarka ah ee laga fuliyay qaar ka mid ah gobollada Dalka waxay Al-shabaab ku waayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad saameyn ku lahaa gudaha argagixisada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Quanzhou (Shiinaha) Magaalo facweyn oo Taariikheed (SAWIRO)

Shiinaha waa dal weyn oo dhaca Bariga Qaaradda Aasiya, tirade Dadka ku nool waxa uu gaaraya 1Bilyan iyo 4boqol oo…

GudahaMaqaallada
October 25, 2023

Madaxweyne Xasan Shiikh” Waxaan rejo wanaagsan ka qabaa in ay Soomaaliya ka guuleysan doonto caqabad kasta,”

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Midowga Afrika…

Maqaallada
February 19, 2023

Wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaariijta oo ka bilaabanaya Koonfur galbeed

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhowaan safar ku tegay magaaladda Baydhabo oo…

MaqaalladaWararka
March 2, 2023

QORMO:-MACLUUMAAD KU SAABSAN SOOMAALIDA IYO GARSOOR-DHAQAMEEDKA

Qormo..(SOONN)..Ka salgaaridda,doodaha,is-maan-dhaafka,muranka,gacan ka-hadalka, qulqulatooyinka,xasaradaha iyo asaarka ayaa lagu tilmaamaa astaamaha gorsooridda cuddoon. Marka aynu ka hadleyno garsoorka iyo qaybihiisa kala…

MaqaalladaWararka
January 27, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023