QORMO:-MACLUUMAAD KU SAABSAN SOOMAALIDA IYO GARSOOR-DHAQAMEEDKA

La wadaag cid kale

Qormo..(SOONN)..Ka salgaaridda,doodaha,is-maan-dhaafka,muranka,gacan ka-hadalka, qulqulatooyinka,xasaradaha iyo asaarka ayaa lagu tilmaamaa astaamaha gorsooridda cuddoon.

Marka aynu ka hadleyno garsoorka iyo qaybihiisa kala duwan wax aan uga jeednaa habkii ay soomaalidu garta iyo garsoorka ba  u qaabayn jirtey.

Garsoorku waa xirfad  laga dheehan karo aqoon ummadeed  iyo farsamo bulsho,marka aan dulmar kooban  ku samayno  habkii iyo xeerarkii soomaalidii hore ku dhaadan jireen  iyo kuwa maanta jooga  waa muuqadaa  faraqa u dhexeeya.

Xaq-siinta,sinaanta,caddaaladda,midnimada,horumarka iyo il-baxnimadu waa astaanta jiritaanka bulsho fiyow,xatooyada, xadgudubka, dulmiga, hagardaamada, galdiga, aabiga, dhaca iyo jowr-falku  waa  astaanta  jiritaanka   bulsho  bugta.

Garta Soomaalidu mar waa “curad” marna waa “ugub” waa curad oo xeer iyo qodob ayaa ka yaalley,haddii ayse “ugub” tahayn waxa loo tumaa xeer iyo sharci hor leh,Jaalle marka aan eegno  ricirka garsoorka iyo   giraanta uu ku wareegayo waxa ka mid ah,Dhiig iyo Dhaqan, Qoon iyo Qadaf, Sir iyo Caad,Balan furyo iyo Been abuur, Anshaxumo iyo Abuur doorrin.

Jaadadka loo qaybin jiray  denbiyada marka garsoorka lagu jiro waxa la oran jirey sidatan:- Ma dhiigbaa mise waa dhaqan? Ma qudh baa mise waa quursi? Ma kamaa mise waa kas? Ma xilaa mise xoolo? Ma mooraa mise waa magan?Ma sokeeyaa mise waa gar cadaawe?

Dhaqanku waa sees muujiya qaybaha  bulshada sida:-biri-mageydada (hoggaamiye dhaqan,culumo ama wadaado,maato, dhulyaal,ergo, magan, socoto iyo  xidid),Geedka garta lagu naqo waxa uu u dhigmaa “Maxkamad” waxana  lagu soo af-meeraa colaadda iyo dhibta aloosan markaas,marana waa gole  Gabayaa, Baane Foolaad iyo nin Qalasa kama maqna wadaad laga ducaysto iyo waranle-duullaan,Marna ardaa-dhaqan oo waxa lagu hayaa yarad-xarrago,sooryo-xidid, gabbaati gole iyo xilo dumar,Soomaalidu waxa ay leedahay garasho ku qotonta sooyaal dhacdo waayo aragnimo guun ah,gudasho  xeel dheer,hilaadin qaran iyo  indheer garad waayeel.

Akhristoow haddii aan sii tibaaxno garsoorkii hore waxa aan helaynaa dhaar-dhaqameed fil weyn ,taa soo lagu dhaarin jirey qofka  lagu tuhmo dhibka iyo jowrfalka,weligaa iyo waqaa,Qoodhaa iyo xeradaa,Dhurkaa iyo dhaqan kaa,Xoogaa iyo xawdaa,garta waxa loo saari-jirey: Boqor caleema saaran, Buuni sheekha ah, Baxdow deeqsi ah, Bir-jeex geesi ah, Baane  gabayaa ah,  Buurariix xidaari ah iyo  Xeer-beegte xamlan.

Mudane,marka aan eegno dhanka denbiilaha falka gaysta waxa loo qaybin jirey:-Qaatil qurgoye ah, Saani xaaraami ah,  tuug maryo madoobeye ah,Dira-diraale naar afuuf ah, Jidgooye jaan-jaaman iyo  Dowdar mubaddar ah. Qofka dhibka iyo aabiga ku kaca waxa lagu xukumi jirey ciqaab u dhiganta  sida:“Hagarbi”oo ah hanti cayiman oo laga qaado labada  dhinac  ee gartu hortaal.

Marna waa “Cisaaro”oo ah ganaax la saaro qofka jabiya xeer guud,Marna waa“Magdhow” oo ah qaddar jaan go’an oo u dhiganta dhibkii uu falay denbiiluhu,Marna waa“Mag”oo ah  diyo in lagu xukumo qofka qurgooyada gaysta.

Marna wa “Mooraduug”oo ah hantida qofka danbiilaha ah oo laga wareejiyo ama xeradiisa  gonta la soo taabto,marna waa “Qur-gooyo” oo ah qisaas “qurgoyn” lagu fuliyo qofka wax dila,marna jeelle waa“Takoorid” taa soo ah in qofka falka xun ku noqnoqda ama caadaysta danbiyada waa weyn in laga takooro  bulshada dhexdeeda  ama laga masaafuriyo.

Gebagebadii iyo gunaanadkii qormadan waxa ku soo afmeerayaa maansadan uu curiyey Abwaan,Cabdulqaadir Cabdi Shube waxa uuna diiradda ku saarayaa qiimaha iyo kaalinta dhaqanku ku leeyahay garsoorka.

Dhacdoba madal bay lahayd Dhiggeed la fil bay ahayd

Dhabbaqo eray bay lahayd

Ninkii dhahay bay lahayd

Ganaax dhigan bay  lahayd

Dhaawacu dhugashuu lahaa

Dhibbaan la sinuu lahaa

Shiikh loo dhiibuu lahaa

Sakiyo dhogor  buu lahaa

Wuxuu ka dhahay ahayd

Dhuungooyo hadday kas tahay

Qisaas dhiibay  lahayd

Dhankeeda kaley  lahayd

Mag dhiibaaley  lahayd

Dharaar la baxshay lahayd

Wax baqol dheer bay lahayd

Sii dhaahin dhammay lahayd

Dhad-dhaad guri bahay  lahayd.

Waxaa Qoray Maxamuud Cali Aadan Hoorri 

Xubin ka mid Guddiga 4-aad ee Afka Soomaaliga Muqdisho.

Xuquuqda Qormada SONNA

 

La wadaag cid kale