Boosaaso-(SONNA)-Taliska Ciidanka Daraawiishta ciribtirka khawaarijta Puntland ayaa sheegay in goobihii shalay lagu xasuuqay cadawga ay saakay ka socdaan howlgal ka dhan ah haraadiga argagixisada.
Kooxda Daacish ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay deegaanka Balli-dhiddin ee gobolka bari looga dilay 20 dhagarqabe, halka tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay.
War xalayto ka soo baxay taliska ciidanka Daraawiishta Puntland ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 5 xubnood oo ajaaniib ah lagu qabtay dagaalka, lagana soo riday 9 diyaaradaha Drones-ka qaraxyada xambaara ah.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ciribtirka Khawaarijta ayaa waxay wacad ku mareen inaysan ka hari doonin inta uu xubin ka tirsan argagixisada ku dhuumaaleysanayo deegaannada Puntland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaysa saaxiibada caalamiga ayaa dhoor jeer howlgallo dhanka cirka ah ka fuliyay gobolka Bari, kuwaas oo lagu khaarajiyay maleeshiyaad tiro beel ah.