Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Gobolka Banaadir oo Asteeyay Goobaha Dibadbaxyada Mucaaradka
    June 3, 2026
    Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamar Jajab
    June 3, 2026
    WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable
    June 3, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Finland oo lagu soo rogayo xayiraado cusub kiisaska Corona Virus oo kordhay awgeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Finland oo lagu soo rogayo xayiraado cusub kiisaska Corona Virus oo kordhay awgeed
Wararka

Finland oo lagu soo rogayo xayiraado cusub kiisaska Corona Virus oo kordhay awgeed

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 21, 2020
4 Min Read
Share

Helsinki (SONNA)- Magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa iyo hareeraheeda oo kamid ah Dalka Finland ayaa la go’aamiyay xadaymo cusub laga bilaabo 23.11.2020 waxaana ay socon doonaantaa mudo saddex toddobaad ah, taasoo ay ujeedadeedu tahay sidii lagu joojin lahaa faafista feyruska corona.

Midka ugu weyn xadaymahaas cusub ee la soo rogay waa, in kulamada guud ee gudaha lagu qabanaayo ama la isugu imaanaayo aanay ka badnaan karin 20 qof. Taa macnaheedu waa in munaasabadaha isboortiga iyo xafladaha kale sida riwaayadaha, aan la qaban karin mudadaas saddexda toddobaad ah ee soo socota, iyadoo intaa kahorna ay howlwadeennada dowladdu arrinka qiimeyn ku sameyn doonaan.

Munsaabadaha gaarka ah ee dadku ay yeelanayaan sida xafladaha dhalashada, kuwa ardeyda, kuwa qoysaska iyo qaraabada sida aroosyada iyo xafladaha diimaha, 10 qof ka badan la isuguma imaan karo.

Dadka waaweyn waxaa khasab ku noqoneysa in ay joojiyaan hiwaayadihii ay aadi jireen, waayo howlaha isboortiga kala duwan ee lagu qabanaayay hoolalka gudaha ah waa la joojiyay. Tusaale ahaan dadka waaweyn ma aadi karaan saddexda toddobaad ee soo socoda hoolalka isboortiga ee magaalooyinka ee lagu ciyaaro ciyaaraha kala duwan. Wixii ka yar 20 sano jir way sii wadan karaan hiwaayadahooda.

Dugsiyada dhexe waxaa isniinta laga bilaabo loo soo jeedinayaa in ay qaataan af-shareerka.

Dugsiyada sare iyo macaahidda muddo dheer ayaa laga isticmaalayay af-shareerka, ardayda iskuulladaasna hadda inta badan waxaa ay waxbarashada ku qaadan doonaan guriga, iyadoo ardayda qaarkood mar la gelin doono waxbarashada dhanka internetka ee guriga, qaarna ay iskuulka ku qaadan doonaan.

Inta ugu badan xadaymaha cusub ee la soo rogay wax saameyn ah kuma yeelanayaan caruurta dhigata dugsiyada hoose. Carruurtaas dugsiyada hoose lagama rabo in ay af-shareerka qaataan, iskuulkana lagama xiraayo sidii dhacday gu’gii la soo dhaafay, ee caadi ayay u wadanayaan. Xafladdii xornimada dalka ee sannad walba loogu yeeri jiray ardayda fasalka afaraad ee iskuullada dalka, sannadkaan waxaa loo beddelay dhanka internetka, oo qaab firjiwaal ahaan ah ayay u dhici doontaa.

Goobaha guud ee la isugu yimaado, hoolalka dabaasha waxaa la xadeynayaa cadadka ama tirada inta qof ee imaan karta hoolka, khaanadaha dharka la gashadana kalabar waa la xiri doonaa. Maktabadahana waxaa la yarayn doonaa hoolalka wax lagu akhristo.

Xadaymahaan cusub waxaa loo qaatay, sababtoo ah cudurka safmarka ah ayaa caasimadda iyo hareeraheeda wuxuu galay heerkii saddexaad ee faafista. Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa bishii sagaalaad waxaa ay go’aamisay in cudurkaan safmarka heerarkiisa loo qaybiyo saddex qeybood, kuwaaso kala ah heerka
asaasiga ah, heerka karaar qaadashada iyo heerka faafista.

Heerka faafista ayaa ah kan ugu daran, waxaana macnaheedu yahay in tirada csub ee faafista feyruska ay si xoog leh kor ugu socoto. Xadaymaha haatan la soo rogay oo soconaaya saddexda toddobaad ee soo socota, haddana waxaa lagu sii kordhin karaa saddex toddobaad oo kale, haddii faafsita feyrusku ay hoos u soo dhici weyso.

Nadifo Ali Shador
Helsinki – Finland

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo Asteeyay Goobaha Dibadbaxyada Mucaaradka

Muqdisho, June 02, 2026: –Maamulka Gobolka Banaadir ahna Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqay…

June 3, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga Gudaha XFS iyo Ergeyga gaarka ah ee arrimaha xasilinta oo ka wada hadlay joojinta colaada ka taagan Galmudug

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Mudane Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag iyo Ergeyga gaarka ah ee xasilinta iyo ilaalinta…

GudahaWararka
June 9, 2024

Ciidanka xoogga oo 10 dhagarqabe kaga dilay khawaarijta deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday Khawaarij si dhuumaaleysi ah ku soo gashay deegaanka…

GudahaWararka
July 13, 2024

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay ku xigeenka wakiilka xoghayaha…

GudahaWararka
September 17, 2024

Madaxweynihii Hore ee Somalia Shariif Sh. Axmed oo soo dhaweeyey heshiiskii cawa la gaaray

Muqdisho,(SONNA)-Madaxweynihii Hore ee Somalia Shariif Sh. Axmed "Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta, anigoo codkayga…

Gudaha
May 5, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023