Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose
    April 16, 2026
    Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya
    April 16, 2026
    Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyey kulan muhiim ah oo Washington ka dhacay
    April 16, 2026
    Wasiir Daa’uud Aweys oo la kulmay Danjire Justin Davis
    April 15, 2026
    Hawlgal lagu laayey maleeshiyaad Khawaarij ah oo ka dhacay Hiiraan iyo Baay
    April 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay
GudahaWararka

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

By Dahir Aadan Cali
Last updated: September 23, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Xukuumadda Dan Qaran waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa himilooyinkii u hirgalay muddada halka sanno ee ay jirtay, iyadoo ka duuleysa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Barnaamijka xukuumadda ee Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dib-u-xoreynta iyo suggida amniga.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka xoreeyay ayaa cadowga Khawaarijta in ka badan 80-deegaan oo ka mid ah gobollada Galguduud, Mudug, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada hoose.

Degmooyinka la xoreeyay waxaa ka mid ah Aadan-Yabaal, Xarar-dheere, Ceeldheer, Runir-Good,Ceelbuur iyo deegaanno kale oo istiraatiji ah.

Waxaanna laga sifeeyay Khawaarijta la iskuna furay waddooyinka Baladweyne-Matabaan,Baladweyne-Buula-Burde, Baladweyne-Maxaas ilaa Buula-burte, Muqdisho-Runir-Good, Hobyo-Xarar-Dheere.

In dhinaca dhaqaalaha lagala dagaallamo Khawaarijta waxay ka mid ahayd saddex jiho oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, xagga ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirka, waxaa la xiray labo boqol iyo Konton Akoon oo ay isticmaali jireen Khawaarijta, iyadoo la baabi’iyay maxkamad beennaadii lacagaha baadda ah uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed.

Deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta qeybo ka mid ah Dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa laga hirgeliyay istiraatijiyadda qaran ee xasillinta deegaannada la xoreeyay, waxaanna inta badan maamulo KMG ah loo dhisay deegaannadii la xoreeyay, kuwaasi oo laga howlgeliyay boqol toban iyo saddex Barnaamij oo kaabaya nolosha dadka sida adeegyada waxbarashada, caafimaadka, korantada iyo ceelal-biyood.

Waxaa dadaal xooggan loogu jiraa sidii la isku bar bar wadi lahaa dib-u-dhiska ciidanka, kala wareegidda amniga dalka ee ciidanka ATMIS iyo ciribtirka Khawaarijta.

Waxaa la dhisay lana qalabeeyay 10-kun oo ciidan oo laga qoray dhammaan gobollada Dalka, saddex boqol iyo lixdan ka mid ahna waa ciidanka sida gaarkanah u tababaran.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleystay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay kala xaajooto halbeegyo la jaangooyay kuwaas oo lagu wada heshiiyay si ay u sahlaan qaaditaanka cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya  tan iyo 1992.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay meel-marisay shuruucyo iyo nidaamyo lagu horumarinayo maareynta hubka, waxaanna lagu guuleystay xaqiijinta tobankii halbeeg iyo bartilmaameedyadoodi kuwaas oo lagu xiray qaadista cunaqabateynta hubka,iyadoo guddi khubaro ah oo ka socday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay qiimeyn ku sameeyeen horumarka Dowladda Federaalka ay ka sameysay xaqiijinta halbeegyada iyo bartilmaameedyada lagu heshiiyay in ay hagaan qaadista cunaqabateynta hubka.

Waxaa la diyaariyay qorshaha hirgelinta heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka oo golaha wadatashiga qaranka ay kaga heshiiyeen shirkii ka dhacay Baydhabo bishii Maarso, 2023.

Xukuumaddu waxay dib-u-habeyn ku sameysay xarumaha dhaqan-celinta kuwa ka soo goosta Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay boqolaal lana geeyay xarunaha loogu talagalay ee dhaqan-celinta.

Dhammeystirka Dib-U-Eegista-Dastuurka.

Waxaa dib loo dhisay guddiga madaxa-bannaan ee dhammeystirka iyo hirgelinta dib u eegista Dastuurka , xukuumaddu waxay ku guuleysatay in golaha wadatashia qaranku heshiis uu ka gaaro qodobada dastuuriga ah ee wada-xaajoodka siyaasideed u baahan oo kala ah.

Asteynta awoodaha heerarka kala duwan ee Dowladda, hannaanka cadaallada garsoor madax-bannaan, hannaanka federaaleynta maaliyadda dalka, hannaanka doorashooyinka dalka, hannaanka qaabka dhismeedka amniga qaranka iyo qaab dhismeedka Dowladda.

Dorashooyinka iyo ka guurista nidaamka 4.5.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay xaqiijisay in ay qabato 7-kullan oo wada-xaajood siyaasadeed ah, kuwaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul goboleedyada Dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kullmadaas oo lagaga heshiiyay qodobo siyaasadeed oo muhiim u ah horumarka Dalka oo isugu jira qaab dhismeedka dowladda garsoorka, Doorashooyinka, hannaan maaliyadeed oo la isku raacsan yahay iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleysatay macluul ku soo aaddaneyd Dalka sanadkii hore, waxaanna la qaaday tallaaboyinkan.

Qoondeynta miisaaniyad dhaqaale,mideynta gargaarka gudaha iyo dibadda iyo hirgelinta hay’adda SoMDA oo gaarsiisay in ku dhow boqol iyo labaatan kun oo qoys abaaruhu ay saameeyeen cunto iyo dawooyin.

Xukuumaddu waxay ku guuleysatay soo samata-bixinta muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku go’doonsanaa Suudaan oo gaarayay 1771, muwaadin.

Xukuumadda Dan-Qaran oo mudnaan siineysa maareynya isbedeelka cimilada  waxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, waxaanna la hirgeliyay istiraatijiyadda isbeddelka cimilada ee shanta sanno ee soo socota iyo qorshaha Soomaaliyada Cagaaran.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hadallo ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel

Muqdisho.SONNA…Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray…

April 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Qorsheynta oo sagootiyay wafdigii ka qaybgalay madasha maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya,Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa xaflad casho sharaf iyo sagootin isugu jirtay u sameeyay wafdi…

GudahaWararka
March 21, 2023

Guddoomiyaha Degmadda Maxaas oo faahfaahin ka bixiyey qaraxyo ka dhacay degmadda

Maxaas(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka darran ayaa saaka Subaxnimadii hore labba qarax ku dhibaataysay shacabka Degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha Degmadda…

GudahaWararka
January 4, 2023

Ciidanka Qalabka Sida oo 30 Khawaarij ah ku Dilay Degmada Qoryoolay

Muqdisho(SONNA):- In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga…

GudahaWararka
September 1, 2023

Safiirka XFS u fadhiya Turkiga oo la kulmay wasiirka Arimaha dibadda Azerbaijan

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jama Aidid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku…

GudahaWararka
June 12, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023