Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Heshiiskii Ankara oo Soomaliya u ah guul diblomaasiyadeed (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Heshiiskii Ankara oo Soomaliya u ah guul diblomaasiyadeed (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Heshiiskii Ankara oo Soomaliya u ah guul diblomaasiyadeed (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 14, 2024
8 Min Read
Share

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey goโ€™aan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafkooda ku saabsanaa doonista Itoobiya oo aan bad laheyn, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Isagoo ka hadlayay shir jaraaโ€™id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Ankara, Erdogan goor dambe oo Arbacadii ah ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed โ€œdib u heshiisiin taariikhi ah oo ay sameeyeenโ€.

Guul taariikhi ah ayuu Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ka soo hooyay Ankara. Itoobiya labo sannadood diidaneeyd midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayuu caalamka hortiisa jilbaha dhulka ugu dhuftay ugana saxiixay in ay xaqiiqada ku qancaan. Dowladda Turkiga oo NATO ka tirsan Madaxweynaheeda Erdogan ayaa marag ahaa, waxaa iyana boggaadin mudan qoraalka lagu qeexay inuu ahaan doono kiro ama qandaraas ee si dhameeystiran meesha looga saaray kalmaddii “lahaan-shaha ee ay Itoobiyaanku rabeen, iyadoo inta badan qeybihii iyo farsamadii heshiisku uu dhiman yahay, taasi oo loo saari doono guddi farsamo.

Sooyaal ahaan, Madaxweyne Dr. Xasan Shiikh wuxuu ku suntan yahay difaacidda qadiyaddaha Badda Soomaaliyeed, waxaana si weyn looga xasuustaa oo ay muxaafad iyo mucaarad intuba dood ka soo celin karin halkii uu marsiiyay murankii Badda ee innaga iyo Kenya, waxaana sidoo kale marnaba indhaha laga qarsan karin halgankii uu qadiyadda ilaalinta midnimada uu u galay Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya mudane Ahmed Moallin Fiqi, waxaana heshiiskaasi aad u bogaadiyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Xasan Sheekh labo jeer ayuu dalka ka badbaadiyay khatar ku aadaneyd damacyada Dowladaha Itoobiya iyo Kenya”, sidaasi waxaa yiri:-Prof Xasan Sheekh oo aad uga faallooda arrimaha siyaasadda, “Dacwadii badda kenya looga guuleystay iyo xad-gudubkii Itoobiya ku soo damacday Biyaha Soomaaliya, sidaasi daradeedaย  guulaha Madaxweynaha uu ku tilaabsanayo”.

โ€œTallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrikaโ€, ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka, iyadoo Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay Warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayay ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo Afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

Bayaankaan ย ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga goโ€™an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed, waxaana War saxaafadeedka lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mohamat ayaa isna soo dhoweeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasI oo lagu soo Afmeeray khilaafkii labada dal ka dhaxeeyay.

Guddoomiyaha guddiga ayaa soo dhoweeyay tallaabadan muhiimka iyo masโ€™uuliyadda adag ee ay qaadeen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuun dhanka kale, dhiirageliyay in la fuliyo iyada oo aan dib loo dhigin tillaabooyinka muhiimka ah ee hore loo qaaday, wuxuuna ugu dambeyn, Guddoomiye Moussa Faki, uu bogaadiyay kuna hambalyeeyay Madaxweyne Erdogan taageeradiisa hagar laโ€™aanta iyo martigelinta kulankan iyo dadaalkii uu ku bixiyay ka mira dhalinta xalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa iyada Khamiistii sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda. Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka goโ€™ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan, hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya ku hesho Bad ay u isticmaasho ganacsi ahaan,” kaasi oo โ€œhoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

โ€œHeshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxa uu caddeynayaa in loo soo guuray oo loo soo noqday in lagu wada shaqeeyo xayndaabka sharciga Caalamiga ah iyo Qawaaniinta u yaala Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobeyโ€, sidaasina waxaa yiri:- ย Raiisul-salwasaare Ku Xigeenka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac.

โ€œHal sano oo shaqo adag ah ka dib, waxaan iska xirnay isku day halis ku ahaa Qaranka. Waxay ahayd xil-gudasho adag oo miro-dhal noqotay. Waxaa mudan mahad oo dhan Alle weyn, ka dib madaxda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada iyo mowqifka adag ku difaacay dalkooda. Inshaโ€™Allah, qarankeennu wuu guuleysanayaa wuuna ka gudbi doonaa caqabadaha,โ€ ayuu yiri Wasiir-ku xigeen Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo afjaridda isku day halis ku ahaa qaranka, kadib hal sano oo shaqo adag ah. Hadalkan ayaa yimid xilli magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, una dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Shacabka Soomaaliyeed faahfaahin Dhamaystiran ka siiyay nuxurka heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku galeen dalka Turkiga, wuxuuna sheegay in mar kasta Dowladda Soomaaliya ay ku taagneyd shuruucda caalamiga ah isla markaana hadda Xaqiiqda ay ogaatay Ethiopia oo markii hore wado qaldan ku raadinaysay Bad aysan lahayn Mulkiyadeeda.

Dhinaca kale Jawhar Maxamed oo ah siyaasi Itoobiyaan ah ayaa sheegay in heshiiskii Ankara uu Soomaliya u ahaa guul diblomaasiyadeed, meeshana ka saarayo in Itoobiya ay xeebaha badda-cas ku yeelato dekad ay iska leedahay, taasi badelkeeda uu heshiiskaasi Itoobiya u ogolaanayo oo kaliya inay dekadaha Soomaliya isticmaasho, waxaa kaloo uu xusay in hesiiskii Somaliland ee Itoobiya faa’iidada u ahaa uu heshiiska Ankara uu laalayo, wuxuuna dhowr marar isbarbardhig ku sameeyay in labada eray ee “Lahaansho iyo isticmaal” oo labada heshiis ay kala dhigayaan, tusaale heshiiska Somaliland ee Itoobiya ay sheegatay inay ku helayso dekad ay leedahay iyo heshiiska Ankara oo kaliya Itoobiya u fasaxaya inay dekadaha Soomaliya isticmaasho, waxayna tani ku saleysnaan doonto shuruucda caalamiga ah sida Axdiga Qaramada midoobay ee sharciga Baddaha oo horey ay u aqbaleen Dalalka Itoobiya deriska la ah.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo booqday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo dhiirraglinaya dedaallada wadajirka ee Arrimaha Xasilinta gaar ahaan…

GudahaWararka
January 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan in ay noqoto La-Taliyaha…

GudahaWararka
March 13, 2025

Wasiirka beeraha oo qaabilay maalgashadayaal ka socota dalka Ciraaq

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka JFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Sanduuqa dawliga ee…

GudahaWararka
November 5, 2025

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo loo magacaabay Afhayeen cusub

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee…

GudahaWararka
May 8, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023