January 1, 2024-ka magaalada Addis ababa ayaa is-afgarad beenaad ah waxaa ku gaaray Raโiisull Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi, kaasi oo ay qaraar ka soo saareen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ku aadan arintaasi oo lagu sheegay inay tahay wax kama jiraan.
โSoomaaliland heshiis lama gali karo dal sida Ethiopia ah,tallaabadaasi ay qaadeenna waa waxba kama jiraanโayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Dowladdii ku meel gaarka aheyd, wuxuuna ku tllmaamay heshiiskaasi mid aan soconeyn oo loo qaaday waddo qaldan, โmana jirtoโ ayuu yiri โcid qaadaneysa damaca Itoobiya ee badda Sooamaaliyaโ.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna ugu dambeyn u mahadceliyay dowladaha ka hadlay damaca Itoobiya iyo sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Dowladihii ugu dambeeyay ee barbar istaagga waxaa ugu dambeeyay Maraykanka, Sacuudi Caarbiya, Shiinaha iyo kuwa kale, Waaxda arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa war qoraal ah oo lagu daabacay barta X ee ay isticmaasho waxaa lagu yirii:- โMareykanka waxa u taageerayaa midnimada iyo madax-bannaamideed dhuleed ee dowladda Soomaaliya.โ
Boqortooyada Sacuudi Carabiya bayaan ka soo baxay oo looga hadlay damaca dowladda Itoobiya ee badda Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan loogu muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu adkeeyay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bayaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta mabaadiโda deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinayo oo laga shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taasoo gacan wanaagsan ka geysanayso horumarinta iskaashiga iyo is-dhexgalka dalalka gobolka.
Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxa ay taageero u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ilaalinayso mabaadiโda Axdiga Qaramada Midoobay, Iyadoo Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri, โShiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadiโda Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed.โ
Afhayeenka ayaa sii sheegay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.ย โShiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.โ, ugu dambeyn afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday dalalka geeska in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan, โDhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wadahadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.โ
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa markale uga digay dowladda Itoobiya in ay isku daydo in tillaabo u soo qaado badda Soomaaliya,oo ay haddii hadalka ficil ku badasho diyaar dowladda u tahay in Dalka ay difaacdo.
Mudana Xasan Sheekha ayaa cadeeyay in dowladda aysan duulaan ku ahayn Itoobiya,balsa hadeey iska dhaga tirto hadalada loo sheegayo ay shacab iyo dowladba ay u diyaarsan yihiin dicaafa sharafta iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed. โDadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay.โ Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxeyne Xasan Sheekha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ugu baaqay in ay difaacdaan Sharafta iyo midnimadooda ayna muujiyaan isku duubni,cadawgana hal meel ay uga soo wada jeestaan. โSoomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacanoโ.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Mudane Xasan Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka Itoobiya ka soo muuqday uu yahay balaayo,geeso la qabtana ay leedahay oo Soomaali meel walba ay joogta loo baahanyahay in ay iska qabato โSoomaaliyeey dhaqanka Itoobiya maanta ka soo muuqda waa balaayo geeso la qabto ayeyna leedahay ee geesaha aan ka qabano.โsidaa ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha uu jeediyay ku sheegay in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yahiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuunaย tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya, baaqna u diray dhamaan qurbajoogta Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in dowladooda ay ka taageeraan Cadawga oo ay ka mid tahay Itoobiya โ Markey Soomaaliya Qatar gasho adinkaa bad-baadin jiray, Maanta waa maalintiiini waa maalintii laโidin baxsan jirayโ, โ Cadow waa labo,waana Shabaab iyo Itoobiya,waan awoodnaa dowladd iyo shacab Shababkana waan iska celinayna duulaanka dibaddana waan iska celinayna intaba waan isaga filanahayโ, wuxuuna intaasi ku daray hadalkiisa in aysan gacmaha ka laaban doonin haddii lagu soo xadgudbo qaranimada Soomaaliya.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka bisha Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya,Itoobiya oo salka ku haya damaca Badda iyo sidoo kale xaaladda ka taagan dalka Suudaan,isagoo ku baaqay in la dardar galiyo wada hadalada,si xasiilooni loogu waarta loogu soo dabaalo gobolka.
Dhanka kale Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha ka soo cusboonaday gobolka iyo xaaladda adag ee ka taagan dalka Suudaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda ka aloosan dalkaasi.
Isku soo wada xooriyoo waxaa heshiis dhinac kasta ha ka yimaadee, waxaa wada gali kara laba dowladood, sida uu qabo qanuunka dowliga ah oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, marka yaan la isku daalin taasi, ee ha la iska difaaco damaca Itoobiya iyo kuwa soo hoggaaminiyaba.