Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ
    June 14, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya
    June 14, 2026
    Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada 
    June 14, 2026
    TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA 
    June 14, 2026
    Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo
    June 14, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Garsoore Cumar Cartan waxaa laga yaabaa inay sidaasi kheyr ugu jirto
    June 10, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub
    June 13, 2026
    Bulshada Soomaaliyeed oo ka falcelisay soo celinta Garsoore Cumar Cartan
    June 11, 2026
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 14, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya (The AI Summit Somalia 2026), oo ah madal heer qaran ah oo lagu gorfeynayo doorka Garaad Gacmeedku (Artificial Intelligence – AI) ku yeelan karo horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta hal-abuurka, dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ah, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Bulshada Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Somalia Community), isla markaana si dhow ula shaqeysay Jaamacadda Zamzam iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU), kuwaas oo si wadajir ah qeyb uga ahaa qabanqaabada shirkan.

Shirweynaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo khudbaddiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si istaraatiiji ah uga faa’iidaysato fursadaha uu bixinayo Garaad Gacmeedka si loo horumariyo waxbarashada, cilmi-baarista, hal-abuurka, iyo koboca dhaqaalaha aqoonta ku dhisan.

Munaasabadda furitaanka waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Dr. Maxamuud Maxamed Xasan (Harbi), Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam ee Culuumta iyo Teknoolojiyadda; Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed; Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka; iyo Mudane Axmed Ismaaciil Diiriye, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah u iftiimiyay fursadaha iyo muhiimadda uu Garaad Gacmeedku u leeyahay horumarka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday Dowladda, jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare, cilmi-baarayaal, khubaro teknoolojiyadeed, hal-abuurayaal, ganacsato, ururrada bulshada rayidka ah, arday, iyo daneeyayaal kale oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada.

Labada maalmood ee shirku socdo waxaa lagu falanqeynayaa maamulka iyo nidaaminta Garaad Gacmeedka, iyo sidoo kale doorka uu ku leeyahay horumarinta adeegyada dowladda, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, amniga saaybarka, ilaalinta xogta, xuquuqda dhijitaalka ah, Garaad Gacmeedka Af-Soomaaliga, hal-abuurka, iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Shirweynahan ayaa ujeeddadiisu tahay in la abuuro madal mideysa dowladda, bahda tacliinta sare, cilmi-baarayaasha, ardeyda, hal-abuurayaasha, shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo dhiirrigeliyo wada-shaqeyn wax ku ool ah iyo xalal ku dhisan Garaad Gacmeed oo ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa taageeraya oo maalgeliyey Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo Mashruuca SCALE-UP.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Muqdisho,(SONNA):-  Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa…

June 14, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Guudlaawe oo shirguddoomiyey kulan SoDMA ku soo bandhigaysay raadadka ay reebtay Elnino

Jowhar(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen…

GudahaWararka
February 24, 2024

Boliiska magaaladda Qardho oo gacanta ku dhigay ajaanib baxsad ka ahaa cadaaladda

Muqdisho,(SONNA):-Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar ruux oo ajaanib ah kuwaas oo ku eedeysan inay Magaalada…

GudahaWararka
December 28, 2023

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiis is Afgarad ah oo ay kala Saxiixan doonaan Wakaaladaha Wararka ee SONNA & ANSA

Muqidsho, (SONNA):- Golaha Wasiirada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Heshiis is Afgarad ah oo ay kala Saxiixan doonaan Wakaaladda…

CaalamkaGudahaWararka
October 12, 2023

Wasiiru-dowlaha Isgaarsiinta oo Ka Qaybgalay Shirwaynaha 25-aad ee Dhijitalka Adduunka

Washington(SONNA):-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada, mudane Axmed Diiriye, ayaa ka qaybgalay Shirwaynaha 25-aad ee Dhijitalka Adduunka (Global Digital Summit), oo…

GudahaWararka
March 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023