Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo ka shiray qorshaha dhameeystirka dastuurka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo ka shiray qorshaha dhameeystirka dastuurka
Wararka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo ka shiray qorshaha dhameeystirka dastuurka

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 1, 2020
2 Min Read
Share
Muqdsiho:(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gudoomiyay shir ay ka qeybgaleen dhamaan masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ku qabsoomay hannaanka muuqaal-shireedka qadka internetka.

Kulanka ayaa intii uu socday looga arinsaday sii ambaqaadidda howlaha ka harsan dhameeytirka dastuurka, waxaana sidoo kale laga dooday qorshe-howleedka lagu dhameeystirayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo ay horay Wasaaradda iyo labada Guddi si wadajir ah u diyaariyeen.

Wasiir Saalax Jaamac oo ugu horeeyn kulanka furay ayaa ka hadlay howlaha taagan oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha u baahan in xal-siyaasadeed laga gaaro isaga oo sheegay inay udub-dhexaad u yihiin fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka.

“Sida aad ogtihiin arrimaha masiiriga ah ee u baahan in wadaxaajood-siyaasadeed laga galo ayaa iminka ah horutabinta ugu muhiimsan ee ka mirodhalin karta geedi-socodka lagu dhameystirayo dastuurka, inaga ka wasaarad ahaan waxaanu gelinay dedaal badan in horay loo dhaqaajiyo arrimahaas inaga oo wasaaradaha kala duwan ee dowladda dhexe la yeelanay kulamo-howleedyo si Xukuumadda Federaalka ay aragti mideysan uga yeelato dhameeytirka dastuurka kadibna ay u fududaato in wadaxaajood-siyaasadeed ay ka galaan hogaanka sarre ee dalka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si wadajir ah waxa ay uga hadleen qaar kamid ah qodobada dastuurka ee u baahan in si degdeg ah xal-siyaasadeed looga gaaro si loogu guuleysto fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka.

Gebogabadii, Wasiir Saalax oo kulanka soo xiray ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in la dardargelin doono arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka si dadka Soomaaliyeed ay xog badan uga helaan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay islamarkaana aragtiyadooda uga dhiibtaan.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka amniga oo la kulmay Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka

Muqdisho.(SONNA):- Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamul Goboledyada Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha…

GudahaWararka
November 23, 2024

Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 24, 2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay xubno kamid ah Golaha Wasiirrada

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub ee Wasiirrada Xukuumadda JFS ee…

GudahaWararka
March 17, 2025

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES…

GudahaWararka
November 10, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023