Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay farsameynta qaraxyada, dayactirka hubka iyo abaabulka maleeshiyaadka, kuwaas oo ku kala yaallay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan ayaa sidoo kale lagu dilay Injineero iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda.
Howlgalka koowaad, oo maanta ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu beegsaday xarumo qarsoodi ah oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta qaraxyada iyo dayactirka hubka. Howlgalkan ayaa lagu burburiyay qalabkii farsamada, keydkii ku jiray xarumahaasi iyo labo gaari oo ay u diyaarinayeen walxaha qarxa, waxaana la dilay toddobo dhagarqabe oo ka kala tirsanaa qeybaha Injineerada qaraxyada iyo Maleeshiyaadka kooxda.
Howlgalka labaad, oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Laba-garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad loo diyaarinayay in ay weerar argagixiso fuliyaan. Howlgalkaas wajigiisa koowaad waxaa lagu dilay 12 dhagarqabe, halka wajiga labaad lagu soo afjaray sagaal dhagarqabe, kuwaas oo qaarkood ka firxaday weerarkii hore balse mar kale lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Argagixisada iyo burburinta xarumaha muhiimka u ah falalka argagixiso. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.