Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
    Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wadamada Carabta, Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan oo DFS ku taageeray diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya & maamulka Somaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wadamada Carabta, Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan oo DFS ku taageeray diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya & maamulka Somaliland
GudahaWararka

Wadamada Carabta, Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan oo DFS ku taageeray diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya & maamulka Somaliland

By Khadar Mahdi
Last updated: May 1, 2024
3 Min Read
Share

Doha (SONNA): – Kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan, ayaa maanta lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Doha ee Caasimada dalka Qatar, iyadoo laga wada hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibada ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ahmed Aboul Gheit

Kalfadhiga ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed oo ka koobnaa dhowr qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ah:

1- Wasiirradu waxay caddeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka, isla markaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed, si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

2- Wasiirradu waxay si gaar ah u taageerayaan amniga, xasilloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dawladda dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirkaba, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Qodobada Axdiga Jaamacadda Carabta, isla markaana waxay taageereen dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.

3- Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiis beenaadkii ee 1/1/2024 wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo maamulka “Somaliland”.

4- Wasiirada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

5- Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda ku aadan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.

6- Wasiirada ayaa sidoo kale diiday isku dayga looga faa’iideysanayo heshiis beenaadka si xaalad cusub oo siyaasadeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taaso oo ay ku tilmaameen tallaabo halis gelineysa amniga wadamada Carabta iyo isu-socodka Gobolka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga Jubbaland oo kulan la qaatay Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Dalka iyo Sarakiil kale

Jubbaland(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Jubbaland S/ Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa kulan la qaatay Taliyaha qaybta 43-aad…

GudahaWararka
February 12, 2023

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay wadadda isku xirta Garoowe iyo Garacad

Garoowe(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada Garoowe-Garacad, isaga oo muujiyey muhiimada ay…

GudahaWararka
May 6, 2023

Ciidanka xoogga dalka oo bulshada Shabeelaha dhexe ka wacyi gelinaya fikirka Khawaarijta

Marka (SONNA): Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha ururka 143-aad guutada 14 October ee xoogga dalka ayaa deegaanka Sabiid, Canoole…

GudahaWararka
December 18, 2023

Midowga Afrika oo isku raacay in Soomaaliya ay noqoto murashax u taagan kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda) ee Midowga Afrika ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka…

Gudaha
February 16, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023