Muqdisho (SONNA): Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay.
Ciidanka NISA ayaa kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.